Magaalo Jiirka Iyo Guurku isku xidhan Yahay!

0
242

Jasiiradda Jawa  ee dalka Indonesiya  oo ku taalla Badweynta Basifiga, waxa aad ugu batay Jiirka kaasi oo dhamaan dalagyadii ka baxayay jasiiradda waxyeelo weyn gaadhsiiyay, hoos u dhac weyna ku keenay. Dalagyada muhiimka ah ee ka baxa Jasiiraddan dhacda Badweynta Basifiga waxa ugu badan Bariiska.

Haddaba markii cabashadii beerlayda Jasiiraddu aad u badatay ayaa Gudoomiyaha Jasiiradda Java uu ku soo rogay dhamaan dadka guurdoonka ah ee Jasiiradda ku nool in aan la siin doonin  rukhsadda ogolaanshaha Guurka ilaa ay keenaan dabada 25 Jiir oo ay dileen.

Guurka Jasiiraddani waxa uu wakhtigan ku xidhan yahay tirada Jiirka ah ee ay soo dilaan lamaanaha is calmaday in ay gaadho cadadka rukhsadda lagu qaato ee Jiirka oo dhan 25 xubnood.

Leave a Reply