Wasiirka Maaliyadda oo Kormeeray Xafiisyada Dakhliga ee Gobolka Awdal

0
237

Mohamoud Walaaleye

Boorama-(Dawan):- Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xafiisyada Dakhliga ee Gobolka Awdal ayaa sheegay in masuuliyadooda koowaad tahay u fududeynta muwaadiniinta cashuuraha ku waajibay bixintooda.

Dr Sacad iyo wefdi uu hogaaminayey oo maalmahii u dambeeyey socdaal ku marayey xafiisyadda dakhliga ee goboladda Galbeedka oo shalay soo gaadhay magaalada Boorama ayaa sheegay kormeeray xafiisyada dakhliga.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo kulamo uu la qaatay masuuliyiinta Maaliyadda ee Gobolka Awdal ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socdaaladii ay ku mari jireen xarumaha dakhliga dalka la mid yahay socdaalkooda xilligan, lana xidhiidho eegitaanka habsami-u-socodka hawlaha cashuuraha ee xafiisyada Kastamada iyo Cashuuraha Berriga.

“Waxaanu eegaynay dhaqangelinta miisaaniyadda, rab-raaca iyo dhaqangelinta nidaam-xisaabeedka is-wada.

Dr. Sacad ayaa sheegay inay kulamo la yeesheen macaamiisha cashuur-bixiyeyaasha iyo masuuliyiinta hay’adaha kale ee wada shaqeyntu adeegyada ay u xilsaaran yihiin ka dhaxeyso.

Waxuu sheegay inuu si gaar ah uugu mahadcelinayo shaqaalaha wasaaradda iyo ciidamada amaanka Booliiska Cashuuraha ilaaliya, isagoo raaciyey in masuuliyadooda koowaad tahay u fududeynta muwaadiniinta cashuuraha ku waajibay bixintooda, sidoo kalena cashuur-bixiyahu si hufan waajibkiisa uuga soo baxo.

Cashuurahu waa waxa inoo fududeynaya in xukuumadu fuliso adeegyada caafimaadka, nabadgelyada, waxbarashada iyo dhamaan adeegyada ay muwaadiniinta u qabato

 

 

Leave a Reply