Dr. Ciise Keyd oo ka Hadlay Wefti Dalka Uganda ka socda oo Imanaya Somaliland

0
412

Kampala-(Dawan): Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa sheegay in wefdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda  dalka Uganda dalka iman doonaan, isla markaana bogaadiyey dedaalada wakiiladda Jamhuuriyadda Somalilamnd  ee wadamadda caalamku ugu jiraan abuuritaanka xidhiidho adag oo dhexmara Somaliland.

Dr Ciise oo fariin ku baahiyey bartiisa twitter shalay ayaa soo dhoweeyey kulamo wakiilka Somaliland ee dalka Ugandha Mudane. Xamse Xaaji Dool la yeeshay xildhibaano dalka Ugandha ah.

Fariintaa ayuu Dr. Ciise ku sheegay in, “Xafiisyadayada Somaliland ee caalamku waxay aad ugu hawlanaayeen sidii ay xidhiidh adag ula samayn lahaayeen dalalka ay martida u yihiin, waana wax aan ku faanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise ayaa hadalkiisa raaciyey, “Wakiilkayaga Somaliland u fadhiya Uganda Xamse Xaaji Dool ayaa kulan uu ku wehelinayey Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland shalay la yeeshay xildhibaano u dhashay dalka Uganda.” Ayuu yidhi.

Dr. Ciise, ayaa shaaca ka qaaday in wefdi ka socda Uganda oo xaqiiqo-raadin ah in ay  iman doonaan dalka, isagoo raaciyey, “Waxay ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta labada gole iyo wefti xaqiiqo raadin ah oo Somaliland iman doona.

Leave a Reply