Berbera : Ciidanka Dabdamiska oo Damiyay Markab Badda ku dhex holcay

0
267

Berbera (Dawan) – Ciidanka Dabdamiska degmada Berbera ayaa ka gurmaday dab ka kacay Markab badda taagnaa, kuna guulaystay in ay damiyaan dabka Markabka ka kacay, hawlgalka bakhtiinta Markabka ayaa socday muddo laba sacadood ah sida ay sheegeen ciidanka dabdamiska ee gobolka Saaxil.

Markabka gubtay oo ay lahayd shirkada Darwiish Constructor, oo madhna isla markaana aanay wax xamuul ahi saarnayn ayay damintiisa kala qayb qaateen ciidanka dabdamiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Ciidanka dabdamiska ee gobolka Saaxil may sheegin wax khasaare nafeeda oo ka dhashay shilka gubashada Markabkaasi, isla markaana illaa hadda wax wara oo intaas ka badan may soo saarin.

Guud ahaan ciidanka Dabdamiska Somaliland, ayaa noqday ciidan saacadkasta heegan ah una taagan gurmad joogta ah nafa badan iyo duunyo badana badbaadiyay.

Leave a Reply