Wasiir Sulub oo ka Hadlay Amni Darro Mucaaridku Dalka ka Wado

0
265

Burco (Dawan) – Wasiirka wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland, murane Siciid Sulub Maxamed, ayaa  sheegay in gacmo shisheeye ay wadaan colaad la’kala dhex dhigo mucaaradka iyo xukuumaddda, ujeedka laga leeyahayna ay tahay si nabadgelyo darro loo abuuro.

Waxaanu yidhi.“Haddii dad ajaanib ah ama dawlado ajaanib ah, ama dadkale oo shisheeye ahi waxay inala jecel yihiin xumaan  ee ILLAAHEY inaga badbaadiyay cidkalena la inoo soo kiraysto oo ay inoo soo dhexmarto waa ayaandaro.

Kolayba niman gaalo la yidhaahdo oo innagu  had iyo jeer aynu nidhaahno taayada annaga ku filane bal meelaha kale ee la isku haysto taga qorya qoryayntoodu ma yaraato, marka ay murankeena maqla’aan ayay inna qorya qoryeeyaan, oo gaarbay inoola kala faqfaqaan, dowlado ajinab ahi waxay inala jecel yihiin ee xumaana cid kale la inoo soo kiraysto waa ayaan darro.

Anigu maalin dhawayd warbaan maqlay la leeyahay mucaaradku waxay ku yidhaahdeen gaalada qaar meeshu waa iska nabade hadad doonaysaan in aanu idin kala qabano dab shida”.

 

 

Leave a Reply