Hay’adda Barakacayaasha oo beenisay in ay dad tarxiishay

0
287

Hargeysa (Dawan)  Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumadda Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

War-saxaafadeed kasoo baxday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, ayaa lagu sheegay in dadkan oo ka dhoofay madaarka Cigaal ee Hargeysa, ay si iskood ah u dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo.

“Waxaanu halkan ka beeninayna war aan sal iyo raad toona lahayn oo mareegta Somali Dispatch kaga been abuurtay xaqiiqda dadkaasi, oo iskood u dalbaday in dalkoodii dib loogu celiyo”Ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay hay’adda barakacayaasha.

Hoos ka akhriso qoraalka hay’adda oo faah faahsan:-

Leave a Reply