Warshedda Kalluunka ugu Wayn Bariga Afrika oo ay ku Baxday Malaayiin Dollar oo Berbera ka Hawl Gelaysa

0
357

Berbera  (Dawan) – Waxa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,    laga hirgaliyay warshadda Sometuna oo ah warshad kalluunka warshadayn doonta, oo ay hirgaliyeen ganacsato reer Somaliland ah.

Warshada Sometuna oo ay ku baxday 50 milyan oo dollar, ayaa waxay shaqo abuur u samayn doontaa dhowr iyo toban kun oo qof, isla markaana waxa la rejaynayaa in ay dhowr boqol oo kun oo qof shaqo abuur u samayso muddo 5 sanno gudaheed ah, sida uu sheegay maamulka guud ee Shirkada Sometuna Ismaciil Sheekh Saalax.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu rejo wayn ku qabnaa in ay noqoto wax aan taariikhda hore usoo marin, gudaheeda waxaanu isleenahay 3000 oo qof haka shaqo gasho, dhowr iyo toban kun oo qofna  badda ha ka shaqeeyaan, maaha nihaayadii, waa bilowgii, waxaanu isleenahay dhowr boqol oo kun oo qof haka shaqeeyaan 5-ta sanno ee soo socda”

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Mustafe Maxamed Cali (Godane), ayaa Sometuna ku tilmaaamay warshadii kalluun ee ugu waynayd ee abid gayi Soomaaliyeed laga hirgaliyo, isaga oo sheegay in ay boqollaal tan oo kalluun warshadaysan ah soo saari doonto maalinkasta.

Waxaanu yidhi.”Warshadani waxay noqonaysa, warshadii ugu waynayd ee abid gayi Soomaaliyeed laga dhiso, oo ah warshad kalluumaysi, warshadaasi maalintii waxay soo saaraysa 400 oo tan, waxa kale oo ay soo saaraysa 10,000 oo kartoon, maalgalinteeda waxa ku baxday lacag gaadhaysa illaa 50 milyan oo dollar”

Warshadan oo muddo dheer dhismaheedu socday, ayaa si tijaabo ah u shaqo bilaabi doonta 15 bishan Ogos, waxaana laga rajo qaba in ay gacan ka gaysato haqab tirtka baahida kalluunka Somaliland iyo Geeska Afrika.

Leave a Reply