Xirsi Waa Ninkii Baabuurta Qoorta Jaray, Waa Ninkii Gabadh Xidhay ee Maxkamadda soo Taagay…”

0
399

Xirsi wuxuu ahaa ninkii Komishanka iska casilay si doorashooyinkii waqtigaasi u fashilmaan”

 

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa shalay si adag uga difaacay Ciidanka Booliska Eedayn uga timid Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, waxa kale oo uu tilmaamay in xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu caadaystay in uu ciidamada Booliska Somaliland ka fidiyo dacaayado been ah, kuwaasi oo ay ugu talo-galeen in ay dhaawac gaadhsiiyaan sharafta iyo qiimaha ciidanka.

Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidanka Booliska Somaliland oo ka mid ah ciidamada qaranka, isla markaana ah astaanta wayn ee qaranka, ayaa baryahan dabme xisbiga Waddani waxa uu ku waday dacaayado badan oo aan u qalmin, lana gaadhsiiyay heer loogu talo galay in dhaawac wayn la gaadhsiiyo, haddii ciidanka booliska dhaawacaasi gaadhana uu qaranka oo dhan soo gaadhayo dhaawacaasi.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, waxa uu intaasi ku daray “Arrintaas ayaanu doonaynaa in aanu jawaab ka bixino bulshadana u iftiimino waajibaadka ciidanka Booliska Somaliland, ragga waxan samaynayaa waa darma, ujeedooyinka laga leeyahay se maxay yihiin. Saddexdii bilood ee u dambeeyay waa markii labaad ee Xisbniga Waddani ciidanka booliska ka soo saaray go’aan afar bog ah ka soo saaro ee uu ku ceebeeyo booliska, iminkana todoba bog ayuu soo saaray guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu ku ceebaynayo ciidamada Booliska.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, waxa faahfaahiyay dambiyada iyo jariimadaha guddoomiyaha xisbiga Waddani, ka galay daslka, waxaanu yidhi “Haddaba waa kuma guddoomiyaha xisbiga mucaarka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Xirsi wuxuu ahaa ninkii Komishanka iska casilay si Doorashooyinkii waqtigaasi u fashilmaan, Xirsi wuxuu ninkii baabuurta qoorta Jaray, Xirsi wuxuu ahaa ninkii gabadh xidha ee Maxkamad soo taaga, Xirsi waa Ninkii lahaa sanka ayaa caano laga keenaya,

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan doorashadii 2008-dii waxa uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa Koomiishankii doorashooyinka qaranka, wuu iska casilay si ay u fashilanto doorashadaasi. Mar labaadkii isla sannadkii 2008-kii Xirsi waxa uu asaasay jabhad hubaysan, baabuur buu qoryo saaray, wuxuu ka hor yimid xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, ciidamada boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen isaga oo falkaasi ku jira.”

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waxa kale oo uu sheegay in ciddii xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala baalmarta ee sameysa mudaharad aanay ogolaanshiyo u haysay, in ay u aqoosanayaan, qof fowdo wada, qof khalkhalgelin abni wada, qof Qarankii meel kaga dhacay.

Waxa uu faray haddii ay doonayaan in ay mudaharaad sameeyaan in ay sharciga u soo maraan, isla markaana ay booliskuna ilaalinayaan.

Waxaanu yidhi.“Waxba yay gaalada ka dhaadhicinin, waxba yay cidday doonaan ka dhaadhicinin, inay sharciga gacanta ku soo qaataan oo waxay doonaan sameeyaan mudaharaadku qofku xaq ayuu u leeyahay in uu mudaharaado, isaga oo koox ah iyo isaga oo shaqsi ahba, xaqbu u leeyahay qofkasta oo shaqsi ahi in uu wax doorto iyo inla doorto.

Nina xaq umalaha in uu iska mudaharaado muwaadin ayaad tahay oo xeerka ayaa ku ogol balse xeer 15 soo mar, wasaaradda arrimaha gudaha soomar, waanu ku ilaalinaynaa, waanu kula shaqeynaynaa, waanu ku soo dhaweynaynaa, haddii aanad xeerka ku dhaqmin oo dastuurkii u hoggaansamin waxaad noqonaysa nin fowdo wada, nin khalkhalgelin abni wada, waxaad noqonaysa qof Qarankii meel kaga dhacaya, waanu kaa hor imanaynaa, booliska oo xasiloonida u taagan oo suuqyada jooga ayaad u imanaysa, shaqo kasta oo aan sharciga waafaqsanayn boolisku ma ogolaanayo, waa wax aanu u dhaarsanahay.”

Haddalkan taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilii musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply