Adeegsiga Caqliga Ee Dhinaca Saxda Ah!

0
293

Dunida ballaadhan waxa ka buuxo la yaab iyo cajaa’ibaad inkasta  oo la sheego in la gaadhay ilbaxnimo aad u saraysa haddana haddii aan loo adeegsan dhinaca saxda ah, waxa ay noqonaysa in caqliga aadamigu la mid noqonayo xayawaanka oo yaqaana sida loo noolaado laakiin aan faham u lahayn sida looga fikiro ee nolosha loo habeeyo. Dalka China oo ah dalalka dunida dhaqaale ahaan ugu horeeya ayaa leh ariimo aanay la wadaagin dunida kale :

Shimbirta loo yaqaano Xuurta  ayay u tababareen inay ku bedelaan halkii Eygu ka ilaalin jiray guryaha iyadoo noqotay shimbir caqli badan isla markaana ah geesiyada. Waxaana la sheegay inay ka maskax badan tahay Eyda.

Waxa kale oo dalkaasi ka jira in 2 malyuun oo dumar ahi sanadkii ilmaha calooshada ku jir iska soo ridaan, taasi oo ah in maalin kasta 53 kun oo dumar ahi ilamaha calooshooda ku jira iska soo ridaan.

Arimahan ayaa la sheegay inay sabab u tahay sharciyada adag ee dalkaasi ka jira. Waxa kale oo la sheegaya in hooyooyinka qaarkood ilmaha ku dhalan suuliyada ka dibna kaga baxsadaan iyagoo ka baqanaya ciidanka amaanka.

Leave a Reply