Doorashada Ururrada Siyaasadda Waxaa lagu Gelayaa Qaabka ay Maxkamadu ku soo saartay”

0
345

Xeerka nidaamka ururrada siyaasada ayaa qeexaya in 10-kii sannaba mar la furo ururada”

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada oo ka hadlay sharciyadda qabashada mudaharaadada

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay qabashada Doorashada Ururada Siyaasada iyo Axsaabta.

Xildhibaanadan oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in xeer 14 ay ku caday in tobankii sanaba mar la furo Ururada Siyaasada,isla,markaana Dastuurka xaq u siinayo Muwaadiniinta in ay ka qayb tartanka Siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaan Cabdikariim Maxamed oo warbaahinta u akhriyay qaraarka ay soo saareen xildhibaanadu ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadda sare laashay in Doorashada Ururada Siyaasada lagu dabro Doorashada Ururada Siyaasada, waxaana uu yidhi “Sida uu dhigayo qodobka 9aad ee Dastuurka Somaliland faqradiisa koowaad ee la xidhiiidha nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland, waxa saldhig u ah nabad, Dimuqraadiyad iyo talo-wadaag iyo hanaanka Xisbiyada badan. waxaana Dastuurku siinayaa Muwaadiniinta xaq ay kaga qayb galaan tartanka Siyaasadeed ee dalka, xeerka arintaa jidaynayaa waa Xeerka nidaamka Ururada Siyaasada iyo Axsaabta. waxaana qodob ka mid tilmaamayaa in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada, waxaana xeerku leeyahay lix bilood ka hor waa in la furo Ururada Siyaasada kala horaysiinta Doorashooyinka waxa loo raacayaa sida xeerarka dalka dhigayaan waxaana Maxkamada sarre laashay in Doorashada Ururada Siyaasada lagu dabro Doorashada Golaha Deegaanka, waxaana ay noqonaysaa Doorasho toosa sida Maxkamadda ku soo saartay”.

Sidoo kale Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac ayaa waxa uu soo jeediyay in nidaamka Doorashooyinka loo raaco Dastuurka. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu adkaynaynaa in nidaamka Doorashooyinka loo raaco Dastuurka qaranka iyo Xeerka dhaqangalka ah ee Xeer 14, sida uu dhigayo qaraarkii ka soo baxay Maxkamadda sarre oo ka saartay xeer 14 dabarkii kana dhigtay Doorashada Ururada Siyaasada iyo axsaabta mid toosa.waxaana aanu taageeraynaa go,aankii Maxkamadda sarre dabarka kaga furtay Doorashada Ururada Siyaasada iyo axsaabta”.

 

 

Leave a Reply