Xisbiyada Mucaaridku Waxay Banaan-baxyadooda ku Qabsan Karaan oo Keliya Xarumahoodda”

0
217

Hargeysa (Dawan) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku heshiiyay in mucaaradku ay isu-soobaxyo nabadgalyo ah qabsadaan maalinta Khamiista ah.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka wargeyska Dawan.

Kulankaasi oo saacado badan qaatay lagu sheegay in nidaamka loo qabanayo mudaharaadka ee la ogol yahay ay tahay in xafiiska xisbiyadu ku leeyihiin lixda gobol ee waaweyn ay ku qabsan karaan, waxa intaas lagu daray in aan la ogolayn goobaha shaaricyada ah in lagu qabto wax bannaanbaxa.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystirannina waxa uu qornaa sidan:- “Kulan muhiim ah oo uu Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa lagu falaqeeyey sidii is-afgarad looga gaadhi lahaa Mudaharaadkii ay Wasaaradda Arimaha Gudaha ka soo codsadeen xisbiyada mucaaradka ah, isaga oo kulankan uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ugu yeedhay Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, ayaa soo gudbiyey nidaamka loo qaban karo Mudaharaad ee uu ay ogolyihiin in ay tahay in 6 Gobolka ee waaweyn oo keli ah Xafiisyada ay ku leeyihiin xisbiyada mucaaradku ay ku qabansan karaan Mudaharaad, balse aan loo ogolayn meelaha bulshadu isagu timaado iyo shaaricyada, masuuliyadana ay qaadayaan wixii ka yimaada arrintaa. Xisbiyada Mucaaradka ayaa muujiyey sida ay u ogolyihiin sharciyada, Ciidamada Booliskana la shaqeeyaan.

Dood dheer ka dib oo dhinac walba laga eegay arrimaha taagan, waxaa la isla gartay in maalinta beri ah saacadu marka ay tahay 9:00 subaxnimo la isugu yimaado Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, iyada oo wada hadaladu ay halkaa ka sii socon doonaan, iyada oo aanay jirin wax go’aan ah oo la isla qaatay.

Kulankan waxaa xukuumadda uga qayb galay:

1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo kulan shir gudoominayey.

2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore.

3- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

4- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Shaajin.

5- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyada Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi.

6- Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere.

Dhinaca mucaaradka waxaa hogaaminayey Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani Axmed Cumar Xamarje iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Xisbiyada Mucaaradka ah.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ka warbixiyay shir madaxda mucaaradku la yeesheen wasiirka amniga, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in mudaharaadada mucaaradku ay wakhtigooda ku qabsoomaan.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu la kulanay wasiirka iyo ilaa 5 wasiir oo kale, jawi wanaagsan oo ilaa intii fidmadani dhacday aan hore loo arag, waji fur furan oo keeni aynu ku naqaanay reer Somaliland ah ayaanu kala kulanay waxaanu ku heshiinay in mudaharaadkeenii si nabadgalyo ah khamiista inoogu dhici doono”

Waxa uu sheegay in ay xukuumadda isku afgarteen in mudaharaadadu ay si nabad ah ku qabsoomaan, isla markaana shacabka iyo booliisku ay iska kaashadaan sugida amniga mudaharaadka.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu ka hadlaynay siduu nabadgalyo inoogu dhici lahaa, anay shisheeyana inoosoo dhexgaleen, wax nabadgalyadeena khal khal galiyaana inoosoo dhexgaleen, ee inaga iyo booliiska Somaliland ee nabadgalyadu gacmaha isku qabsan lahayn”

Guddoomiyaha ayaa qofkasta oo reer Somaliland ah ugu baaqay in uu noqdo booliis nabada ilaaliya.”Qofkasta oo reer Somaliland ah waxa laga rabaa Khamiista in uu noqdo booliis nabadgalyada ilaaliya, qof kastowba qofka ku ag maraya ilaali”.

Waxa uu sheegay in kulan kale ay berri 9:00 AM la yeelan doonaan wasiirka arrimaha guddaha iyo saraakiisha booliiska si loo dajiyo nidaamka nabadgalyada loo sugi doono maalinta mudaharaadka.

 

 

 

Leave a Reply