Waa laga Hortagayaa oo Qaranka lagu Burburin Maayo Mudaharaadyo aan Sharciyaysnayn oo Fidmo Wada..”

0
224

Xildhibaanada sida badheedhka ah ugu dhaadanaya af qabiil ee u haysta in ay xasaanad u haystaan, loomase haysansyo taas xasaanad”

 “Wali lama maqal Madaxweynaha iyo dawlada oo leh doorashadii lama qabanayo

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax laga xumaad ku tilmaamay khasaarihii ka dhashay mudaharaadkii Khamiistii dalka ka dhacay oo ay dad ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Biixi, ayaa khasaarihii ka dhashay mudaharaadkii dhacay masuuliyadeeda dusha u saaray madaxda xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay doonayaan in ay dalka geliyaan qas iyo fawdo.

Waxaanu madaxweynuhu sheegay in ujeedada ay dadka dagaalka iyo fidmada u gelinayaan ay tahay in aanay la tartamin ururrada siyaasadda ee immika la diiwaangeliyey ee sharciga ah, isla markaana Faysal Cali Waraabe, iyo C/raxmaan Cirro, markii ay xilka hayeen ay ahaayeen kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay. Waxaanu ydihi “xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidmada u gelinayaan, yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah oo weliba labada nin ee WADDANI isku wareejiyey markii ay xilka hayeen iyagu ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horayn waxa uu tacsi u diray qoysaska, ehelka, qarraabadda, iyo shacabka Somaliland ee ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday mudahaaradyadii Khamiistii, halka uu dadkii dhaawacmay na ALLE SWT caafimaad uga rejeeyay.

Dhibaatadii iyo khasaarihii dhacay ayuu sheegay mid aan loo baahnayn, isla markaana masuuliyadeedda ay leeyihiin xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani.“Dhibaatadii dhacday, dadku uma wada sin-na, balse qayb inaga mid ah oo u badheedhay khasaarahaasi, oo ilaa hadda wadda, weli na ku taamaysa in ay sii wadaan ayaa gaysatay.

Nasiib darradu halka ay ka taagan tahay, khasaarahaasi waxaa gaystay, oo weli na ku sii adkaysanaya in ay sii wadayaan oo ka masuul ah, guddoomiyaha xisbiga Waddani, guddoomiyaha xisbiga UCID, iyo guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani. Waxaan hubaa, xataa dadka u codaynaya UCID ama Waddani, ee siyaasiyan u raacsan in aanay arrinta mudahraadka raali ka ahayn xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidmada u gelinayaan, yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah oo weliba labada nin ee WADDANI isku wareejiyey markii ay xilka hayeen iyagu ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in marka la eeggo xaaladda lagu jiro wakhtigan aanay haboobayn inay dalkeenna ka dhacaan mudaharaadyo ay rebshado ka dhashaan. Waxaanu yidhi, “Duruufaha dalka ka jira awgeed in aynaan wakhtigan la joogo qaadi Karin, ama u baahnayn mudaharaad ay rebshado ama khasaare ka dhasho. Sida abaarraha, badd-xidhanka, sicir-bararka, iyo duruufaha kale ee abaartu ka midka tahay”.

Sababta ay xisbiyadda mucaaradku 11-kii bishan ugu soo beegeen mudaharaadkoodda ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay in ay dalka imanayeen wufuud caalami ah, balse ay nasiib darro tahay in madaxda mucaaradku ay doonayeen in ay caalamka tusaan weji khaldan ama sawir xun in ay Somaliland ka bixiyaan. Isagoo arrimhaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “11-kii bisha sababta ay mucaaradku mudaharaadkoodda ugu soo beegeen waxay ahayd, in wufuud caalami ah ay dalka imanayeen. Markaa odayaasha waxaa u muuqatay in ay ku helayaan madaxtinimo, oo ay guul ku gaadhayaan, Somaliland way qasan tahay, oo buuq baa ka jira, oo ay halkaa fursad u arkeen, taasina waa ra’yi qaldan.

Waxa kaloo iyadna nasiib darro ah, in iyadoo waxaas oo khasaare ahi ay dhaceen, in hada na ay weli ku sii adkaysanayaan, dagaalka waanu wadaynaa, oo joojin mayno. Waxaan aad ugu kal-soonahay in shacabkii reer Somaliland lixdii gobol ba in ay diideen in ay u soo baxaan, oo dadkii 95% ay diideen, oo ay nabadii qaateen. Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa ummada Somaliland ee goboladda dalka ku nool, qaran-nimadaa iyo midnimadaa ay muujiyeen”.

Mudaharaadyadii ay taageereyaasha labadda xisbi ee UCID iyo Waddani ka dhigeen magaalooyinka dalka qaarkood waxaa ku dhintay 5 qof, oo 3 ka mid ahaa ay ku geeriyoodeen Hargaysa ah, 1 qof na uu ku geeriyooday magaaladda Ceerigaabo, iyo mid magaaladda Burco ku geeriyooday.

Sidoo kale waxaa mudaharaadyadaasi ku dhaawacmay ilaa 100 qof, halka ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen 62 askari, sida ay taliska ciidamadda boolisku sheegeen, khasaarahaa faraha badan ee mudaharaadyadaas ka dhashay darteedna in aanu mar danbe wax mudaharaad ahi dalkoo dhan ka dhici Karin.

Madaxweyne Biixi, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaa soo raaca nimankaa (hogaanka mucaaradka), oo kaaliyeyaal u ah, ragg ku jira golaha Wakiiladda oo la soo doortay, oo loo dhaariyay in ay yihiin xildhibaanno qaran, oo ay ka gudbeen gobol iyo qoys, oo si badheedh ah ugu dhaadanaya in ay xoog iyo mudaharaad, iyo qas ay wadayaan, unna haysta in ay Xasaanad u haystaan. Loo haysan maayo taa Xasaanad? Waana in wadda jir looga hor taggo qaska iyo fidnadda.

Waxaan u sheegayaa cidii mudaharaad, iyo fidno, iyo qawl abaabul ah gasha ba, in aanu dhacaynin, oo aan la ogolaanaynin, mudaharaad goboladda dalka magaallo qudha iyo tuullo danbe ka dhaca, ilaa amar danbe. Waa laga hor tegaa, oo qaranka lagu bur-burin mayo, mudaharaad aan sharciyaysanayn, oo fidno wadda”.

“Dhamaanba ciidamadda ammaanka, wasaarradaha dawladda, iyo dadweynaha Somaliland xisbi kastoo ay yihiin, waxaa koow inoo ah nabadda. Sidaa darteed, mudaharaad intaasaa inagaga filan. Waa laga hor tegayaa, waanna denbi qaran, waana in wax bur-burinaya ninka mudaharaad soo qaadaa.

Dadka ama warbaahinta, ama xubnaha goleyaasha ka tirsan ee fidnadaa wadaana waa danbiileyaal labaad. Haayadaha qaranka u xilsaaran arrintaasi ayaana tallaabo ka qaadaya, sharciyadda ayaa laga marsiin doonaa” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Geesta kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa musharrax Cirro ku dhaliilay inuu xisbiga Waddani ku wareejiyay nin aanu tacab ka gelin xisbiga. “Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani waxay ula eekaatay in uu guul ku gaadhayo inuu xisbiga Waddani ku wareejiyo nin aan xisbiga Waddani waxba ka dhisin tacab ka galin oo hadimo uu u gaysto mooyee xisbiga Waddani aan maalin qudha waxba ku tarin” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa gguddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayuu ku eedeeyay in uu helay xisbi aanu kusoo tabcin oo aanu dhibaato mooyee habeena u hiilin, sidaa darteena ay ula muuqatay in uu qas abuuro si aanu u galin doorashada urrurada.

“Guddoomiyaha hada joogaa wuxuu helay xisbi aanu ku tabcin oo hagardaamo mooyee aanu maalina wax hiila siinin, oo uu si baylah ah u helay, dabeetana si uu xisbiga u haysto waxay ugu muuqataa in uu qalalaase kaga dhuunto doorashada iyo tartanka urrurada” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu sheegay in taageerayaasha xisbiga WADDANI, ay ka cadhoodeen wareejintii xisbiga lagu wareejiyay Xirsi, isla markaana ay madaxda xisbiga WADDANI ka baqanayaan in ay kusoo bixiwaayaan tartanka urrurada.

Isagoona ku eedeeyay musharax Cirro in uu si qaldan wax u xisaabsaday, oo uu soo daawaday mudaharaadayaasha reer Sri Lanka ee madaxdoodii madaxtooyada ka eryaday, sidaas darteedna uu doonayo in uu sidaa si leeg halkan ka sameeyo, balse aanay ahayn wax dhacaya.

Waxaanu yidhi “Cirro waxaa u sawirantay oo uu run mooday, haddii aynu mudaharaad wadno dowladaha imika waa laga yaacaa, Sri Lanka ayuu filin ka daawaday, waxay la noqotay haddii buuq la abuuro in uu sidaa

Leave a Reply