Xukuumada oo Amartay in Bilaash Lagu Daweeyo Dadkii Mudaharaadka ku Dhaawacmay

0
447

Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo booqday bulshadii dhaawacyadu ka soo gaadheen mudaharaadadii sharcidarada ahaa ee xisbiyadda mucaaradku abaabuleen ayaa amar ku bixiyey in bilaash lagu daweeyo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa soo booqday dadkii shacabka ahaa iyo Ciidamadii ku dhaawacmay qaskii iyo qalalaasihii ay shalay sameeyeen labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo Ucid.

Wasiirada ayaa si guud u soo kormeeray xaalada caafimaad iyo dhaawacyada soo gaadhay Ciidamada Booliiska iyo dadka shacabka ah labadoodaba, Wasiirada ayaa u rajeeyey in Eebe caafimaad degdeg ah siiyo inta dhibaatadaa ku dhaawacan tahay, intii dhintayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo ehelkoodii iyo qaraabadoodii intaba.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa amray in dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaadheen loo daweeyo lacag la’aan, ayna dawlad ahaan masuul ka yihiin bixinta adeegyada caafimaad ee lagu dawaynayo dadka dhaawacmay.

 

 

Leave a Reply