Wefti Ka Socday Sierra Leone oo la Kulmay D/Hoose ee Gabiley

0
234

Gabiley (Dawan): Wefti ka socday dawladda Sierra Leone, ayaa shalay booqasho ugu tegay maamulka dawladda hoose ee degmadda Gabiley, iyo badhasaabka isla gobolkaasi.

Weftigani oo socdaal shaqo ku jooga Somaliland ayaa ka socday wadanka Sierra Leone, gaar ahaana wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Sierra Leone, iyo dawladda hoose ee isla dalkaasi.

U jeedadda ay weftigani booqashadda ugu tegeen dawladda hoose ee Gabiley ayaa la xidhiidha si ay wax uga bartaan qaabka ay dawladda hoose ee Gabiley ugu shaqayso Program-ka loo soo gaabiyo IFMIS ka.

Waxaana weftigani magaaladda Gabiley ku soo dhaweeyay maayarka Gabiley, iyo badhasaabka gobolka Gabiley, kuwaasoo xusay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadda ay ugu yimaadeen.

Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, oo kulankaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay booqashadda ay ugu yimaadeen weftigan ka socday dawladda Sierra Leone.

Waxaanu yidhi, “Waxaa noo sharaf ah in aanu Gabiley idinku soo dhawayno, degmo ahaana sharaf bay noo tahay, anagoo ah degmadii koowaad ee barnaamijka IFMIS-ka dhaqan gelisa, ee ku shaqaysa in ay noo yimaadaan weftigan ka socda dawladda Seirra Leone. Weftigaasi oo ka socda wasaaradda Maaliyadda ee Seirra Leone, iyo dawladaha hoose ee dalkaasi qaybo kala duwan oo ka socda. Si ay wax uga ogaadaan barnaamijkaa aanu ku shaqaynaynay mudadda, faa’iidadda ugu jira dawladaha hoose, waxyaabaha guulaha ah ee aanu ka gaadhnay ba”.

Geesta kale waxaa weftigani xubno ka ahaa madaxa mashruuca PFM-ka ee Somaliland, iyo masuuliyiintaasi kala duwan ee ka socday dawladda Sierra Leone.

 

Leave a Reply