UEFA oo Soo Saartay Liiska Musharaxiinta Xidiggii iyo Macalinkii ugu Fiicnaa Yurub 2021

0
210

Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub “UEFA” ayaa ku dhawaaqay saddexda musharrax ee u sharraxan abaalmarinta tabobaraha ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkii 2022/2021.

Shalay ayay UEFA ku dhawaaqday musharaxiinta u sharaxan abaal-marinta xiddiga ugu fiican qaarada yurub xiliciyaareedkii hore, waxayna hadda soo bandhigeen saddexda musharax ee u sharaxan abaal-marinta.

Saddexda musharrax ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga sannadka ee xilli ciyaareedkii hore ayaa kala ahaa kubad sameeyaha Manchester City Kevin De Bruyne, iyo labada ciyaaryahan ee Real Madrid, Thibaut Courtois iyo Karim Benzema.

Liiska tababarihii ugu fiicnaa ayaa waxaa ka mid noqday tababaraha reer Italy ee Carlo Ancelotti, Germani Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola.

Carlo Ancelotti waxa uu Real Madrid kula guuleystay Champions League iyo Spanish League, halka Klopp uu kula guuleystay League Cup iyo FA Cup, halka Pep Guardiola uu ku guuleystayhoryaalka Premier League.

Leave a Reply