Wefti Maraykan ah oo Somaliland soo Gaadhay

0
405

Hargeysa (Dawan)- Safiirka JSL ee dalka Maraykanka Md. Bashiid Good iyo wefdi diblomaasiyiin uu hogaaminayo ayaa dalka yimi shalay.

Wafdigan oo ay ka mid ah Mr. Tibor Nagy, oo ah diblomaasi rug-cadaa ah, ahaana kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika xilligii Madaxweyne Trump, Ambassador J. Peter Pham, oo ahaa ergeygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil oo dhaca (waqooyiga Senegal, koonfurta Mauritania, Mali, Burkina Faso, koonfurta Niger, waqooyi bari Nigeria, Chad, iyo Sudan), iyo Sarreeye Guuto William “Kip” Ward Taliyihii hore ee Taliska Mareykanka ee Afrika iyo Mr. Joshua Meservey, oo ah khabiir ku takhasusay siyaasadda Afrika/Bariga Dhexe ee Heritage Foundation.

Xubnaha weftiga marka laga reebo Janaraal Ward ayaa ah kuwo si weyn u taageera Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay hore marar kala duwan ugu soo jeediyeen dawladda Maraykanka inay xidhiidh dhaw la yeelato Somaliland.

Inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah xukuumadu ka bixin safarka wafdiga iyo muddada ay joogayaan, ayaa Safiir Nagy iyo wefdiga oo booqday suuqa Waahen waxuu dhaliilay kaalinta Maraykanka iyo beesha caalamku ka qaateen taageerada dib u dhiska suuqa Waahen.

 

 

Leave a Reply