Madaxweynuhu Waa Ilaaliyaha Sharciga Hadii Mucaaridku ka Cawdeen.….” Sh. Saleebaan

0
356

Berbera (Dawan) Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay in ay xisbiyada mucaaridka Somaliland ay masuul ka yihiin dhibaatadii ka dhacday magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, isla markaana ay iyagu dusha u ridan doonaan wixii khasaare naf iyo maalba leh ee bulshada Somaliland ka soo gaadhay mudaraadkii Khamiista.

Waxa uu xusay in madaxweynuhu masuul ka yahay ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta, balse haddii ay mucaaridku wax tabanayaan in ay nidaam sharci u maraan tabashooda. Waxa kale oo uu tilmaamay in xisbiyada mucaaridka ay dadka ka soo kaxeeyeen goobihii loo cayimay in ay ku mudaharaadaan, taasina ay keentay in ay sababto khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac.

Waxaanu yidhi. “Dhimasho ayaa timid iyo dhawaac ba imid cidaankii qaranka Jaamhuriyadda Somaliland shacabka tiradoodu intooy doonto ha lekaato ayeey dhibataadu ha lekaato soo gadhey .

Bulshada Somaliland waxa ugu wayn ee ay haysta waa nabadgelyada, kursigana marba cidba fadhiyays oo ILLAAHEY u qadaray, sida runtii xukuumaddeena madaxweyne Muuse Biixi hoggaaminayo ayaa ILLAAHEY u qadaray.

Xisbiyada waxa la yidhi ku mudaharaada xafiisyadiina, dadkuna waxa ay wax ku noqdeen bartamaha suuqa magaaalada Hargeysa, laamiyada ku mudaharaada lama odhan, laamiyadii ayay xidheen, dadkii way dagaalameen rabash ayaa dhacay, markii wixii dhacay waxa lagu yeelanayaa ciddii dadkaasi ka soo kaxaysay xafiisyada ee laamiyada keentay.

Haddii sharciga madaxweynuhu ku taagan yahay ilaaliyaha sharciga iyo gaadh-yuhu waa madaxweynaha, haddii ay sharciga ka cawdaan waxa ay leenahay maxkamad dastuuriya oo loo cawdo, in mucaaridku maxkamadda maro oo sharciga lagu kala saaro, balse mudaharaad ku kala biximayno, mudaharaad rabashkaasi iyo dhimashadaasi uunba ka xaasila,”

 

 

 

Leave a Reply