Uma Baahnin Mudaharaad Qabiilaysan, Uma Baahnin…”

0
230

Hargeysa(Dawan)-La-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa Axaddii shalay, taasoo nuxurkeedu la xidhiidhay xaalada siyaasaddeed ee dalka , ayaa isagoo daba socda dhacdooyinkii ugu dambeeyey khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah sababay, waxa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu fidiyey gogol-nabaddeed oo lagaga wada hadlayo arrimaha taagan ee khilaafka Doorashooyinka.

Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu ka digay inay xisbiyada mucaaridku adeegsadaan ama shacbiga ku dhiidhi-geliyaan in deegaamada ay ka soo jeeddaan loo diiddayo inay xukunka dalka qabtaan ama lagala dagaalamayo xuquuq siyaasaddeed oo ka maqan, waxaanu kala dardaarmay bulshada ay hayb-wadaagta yihiin hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka inay aaminaan waxyaabaha xiqdiga iyo naxliga ah ee ay ku beerayaan siyaasiyiinta kursi doonka ah ee ku dagaal gelinaya qorshaha qabiilaysan “in lagu tilmaamo beel ka faquuqan umadda Somaliland, beel yasan, beel wax kale bulshada Somaliland, beel wax kaga maqan yihiin cid kale in lagu tilmaamo beeshan aad iyo aadbaan uga xumahay”ayuu kala dardaarmay duqayda ku sugnaa golaha Md. Waran-cadde.

La-taliyaha Madaxweynaha oo hadalkan ka jeedinayey madal ay ku sugnaayeen Odayaasha iyo waxgaradka Bulshada Galbeedka Burco iyo Bariga iyo Koonfurta Hargeysa, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey gogosha wadahadal ee uu madaxweynuhu dhigay, waxaanu sidoo kale beyaamiyey baaq laba dhinac ku socday oo uu u diray asxaabta mucaaridka iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Isagoo ka hadlayey baaqa ku wajahan madaxda xisbiyada WADDANI iyo UCID, waxa uu yidh “Baaqa aan u diraya xisbiyada mucaaridku waxa weeye walaaleyaal dalka madaxweyne ayaa xukuma oo masuuliyadiisa iyo nabad-gelyadiisuna dusha u saaran tahay. Muddo soddon sannadood ah waxaan ka shaqaynayey sida nabada loo dhiso, sida belada soo socota looga hortago, markaa nabad-gelyada waxa lagu bixiyaa tacab badan. Askariga waxa lagu tababaraa inuu ilaaliyo nafta qofka muwaadinka, haddii naftiisa la soo weerarrana inuu is-difaaco.

Sidaas awgeed haddii mudaharaadku uu noqdo mid hubaysan oo ka baxsan sida caalamka looga mudaharaado ee nabad-gelyada ah, waxa uu keennaa dil iyo dhibaatooyin fara badan oo aan loo diyaar-garoobin, haddaba si aan taasi u dhicin madaxweynaha JSL wuxuu dhigay gogol wada-hadal oo lagaga wada-hadlo wixii khaldan. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “aan wadahadalno waa aan heshiino” markaa xisbiyada mucaaridka waxaan ugu baaqayaa inay gogoshaa taalla ku soo laabtaan oo intii ay dhiigga dadka wax ku dooni lahaayeen ay nabad-gelyo wax ku doonaan, waliba waxaan baaqa si gaar ah ugu dirayaa ragga mucaaridka ah ee ka soo jeeda Beeshan aynu ka soo jeedno”

Siyaasi Cali Waran-cadde waxa kale oo farriin baaq ah u diray dadka reer Somaliland “Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa inay ogaadaan in gogosha uu dhigay madaxweynuhu ee lagu wada hadlayo ee lagu heshiinayo ee dhibkii badnaa ee dalkan loo soo maray si aanu dhexda uga liicin oo hayaanka aynu u sii wadno ay diyaar u yihiin inamadayadu inay ka soo qaybgalaan oo ay ku tahay waajib lagama maarmaan ah oo ay masuuliyadiisana leeyihiin odayaashooda iyo ragga mucaaridka ah madaxdoodu”

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa ku dheeraaday natiijo-xumadda ay leedahay ee laga dhaxlo nabad-gelyo darrada, colaada iyo xumaha la dhex dhigo dadka deegaan iyo dal-wadaagta ah, waxaanu farta ku fiiqay ahmiyadda xasiloonida iyo wada-noolaanshiyuhu u leeyahay cid kasta.

Isagoo arrintaa ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan kaga baxayaa colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Uma baahnin mudaharaad qabiilaysan, uma baahnin hargeysa oo caasimadii waddankeena ah waxa ku wada nool beello walaalo ah oo aan maradooda mooyaane dabkoodu is-daarin in dhan-xiir dhexdooda dab dhigo oo la yidhaahdo reer hebelbaa galbeed ku soo duulaya uma baahnin ee sow taana diyaar uma nihin..?

Khamiistii todobaadkii la soo dhaafay, ayey xisbiyada mucaaridku qabsadeen mudaharaad rabshado dhaliyey oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay dad rayid ah iyo ciidanka nabad-gelyada, waxaana khasaarahaasi ka dhashay xagal-daac ku yimi heshiiskii ay hogaamiyeyaasha mucaaridka loogu fasaxay dibad-baxyada selmiga ah oo ay jebiyeen, taasoo sababtay inay isku dhacaan taageerayaasha mucaaridka iyo Ciidanka amniga oo u diyaarsanaa inay xakameeyaan wixii amni-darro yimaada.

 

 

 

 

Leave a Reply