Waddani Wuxuu u Xuub-siibtay Waxyeelada Qaranka”

0
195

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Mudanayaal ay ka wada tirsan yihiin Golaha Baarlamaanka, kuwaasi oo ah mudanayaal ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka.

Xildhibaanadan oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa sheegeen in Golaha Wakiilada uu yahay xeer dajin, isla markaana aanu ahayn meel cid gaar ah lagu difaaco.

Xildhibaan Cali Qaran ayaa waxa uu sheegay in uu ka xun yahay in Golaha Wakiilada laga aflagaadeeyo Culimada. Waxaana uu yidhi “Golaha Wakiilada maaha meel qof kursi lagu saaro iyo meel qof lagu difaaco waxa aanu nahay xeer dajiyaal xeer 14 waxa uu ka mid yahay xeerarkii golahani soo saaray, shacabka ayaanay niyad jab ku tahay in halkan laga yooyootamo.waan ka xumahay in golaha lagu aflagaadeeyo Culimada. maanta odhan mayno culimadu door kumay lahan in qaranku halkan soo gaadho, wuxuu u xuubsiibtay Xisbiga Waddani in uu qaranka waxyeelo ku soo kordhiyo, waxaana uu u qaybsamay Xisbiga Waddani in Xirsi ka dhex hadlo iyo in laga xanqarsado”.

Xildhibaan Maxamed Cismaan oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in Mudanayaasha Mucaaradka ay diideen Koomishankii Doorashooyinka ee Doorashada qaban lahaa.Waxaana uu yidhi “Koomishankii Doorashada qaban lahaa Xildhibaanadii Mucaaradka ayaa diidmo kala hor yimid, geedi socodkii Doorashooyinka waalagu jiraa Ururadii waa laga qabtay araajidii lacagtiina waa shubeen. cidii doorasho doonaysaa haka qayb gasho sabab ay u samayso Banaanbax qayral sharciya ma jirto,Mucaaradka leh maxaa loo diiday odayaal iyo Salaadiin ayaa galay,waxa ay rabaan in dib loogu noqdo axdi Beeleedkii laga soo gudbay anuguna ka yeeli cidna ka yeeli mayso,”.

Sidoo kale Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac oo isaguna halkaa ka hadaly ayaa waxa uu sheegay in shaqada Golaha Wakiilada aanay ahayn fulin hase yeeshee ay yihiin sharci dajin.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u iftiiminayaa shacabka reer Somaliland waxa aanu nahay gole ka shaqeeya sharci dajinta dalka,shaqadayada waa in aanu dajino shuruucda wadanka.shaqadayada maaha fulin ee waa in aanu ilaalino sida loogu dhaqmayo Xeerarka,Shirguddoonka Golaha Wakiilada waxa ay iska soo dabasaareen waraaqo baalmarsan xeer hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qaabka aanu u shaqayno.waxa aanu u dooranay Shirguddoonka Golaha Wakiilada in shirguddoomiyo go,aamada gole waynuhu gaadho,”.

 

Leave a Reply