Dab Xalay ka Kacay Suuqa Khudrada ee Laascaanood

0
75

Laascaanood (Dawab)- Dab xoogan ayaa ka kacay magaalada Laascaanood, kaasi oo qaybsaday qaybo ka mid ah badhtamaha Suuqa Hiliblaha iyo Khudaarta ee magaaladaasi Laascaanood.

Ciidamada Dab-demiska magaalada Laascaanood ayaa xalay xakameeyay, Isla markaaana damiyay dab weyn oo ka kacay Suuqa Hilibka iyo Khudaarta ee magaalada Laascaanood. Dabkan ayaa ciidamadu ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay, iyadoo dabku gaadhay laba meheradood.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo dabkaasi sababay. Ciidamada ayaana badbaadiyay suuqa intiisa kale oo ah suuq weynaha Khudaarta ee magaalada, iyadoo ay ku ganacsadaan dad fara badan.

Ciidamada Booliska, maamulka gobolka iyo degmada ayaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ahaa, sidoo kale bulshada ayaa iyaguna si fiican ula shaqeeyay ciidamada.

Ciidamada Booliska ayaa dhankooda si habsami leh u sugay amaanka suuqa iyo in hawlgalkaa lagu dhameeyo nabadgelyo, waxaana had iyo goor Ciidamada Boolisku diyaar ku yihiin goob kasta oo laga daminayo dab guud ahaan Somaliland.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab.

 

 

 

Leave a Reply