Natiijada Dhaqanka Wanaagsan!

0
76

Malin kasta marka uu ninka reer miyiga ahi yimaado magaalada wuxu keeni jiray subag ay gabadhiisu samaysay isagoo ku soo qaadi jiray weel uu qiyaas ahaan ka dhigay hal kiilo.  Waxaana uu ka iibin jiray nin goob Booshari ah haystay oo macmiil u ahaa, iyadoo uu isagana ka iibsan jiray wixii uu baahnaa ee sonkor, shaah, Roodhi iyo kolba wixii kale ee u doonayo.

Ninka booshariga leh ayaa maalin ka shakiyay inu miisaanka subagu yahay halka kiiloo ee uu ugu sheego kana yar yahay, waxaana uu u dhaqaaqay inuu miisaamo.

Markii uu miisaanka saaray waxa uu noqday 900 Gr, iyadoo 100 Gr iska dhimeen Kiiloogii, mar labaad ayuu ku celiyay isla sidiisii ayuu noqday. Ninka booshariga haystay ayaa aad u cadhooday isagoo ka xumaaday sida u badheedhka ah ee uu ninkan reer miyiga ahi u khiyaamayn jiray isla markaana u dhici jiray maalin kasta.

Maalintii danbe markii uu keenay subagii ayuu isagoo cadhaysan ku yidhi “ Anigu macmiil kuuma noqon karo khaayin ayaad tahay kiiloo kasta waxa ka dhiman 100 Gr.” . Ninkii reer miyiga ahaa aya madax ruxay waxaana uu ku yidhi “ Anagu waxaanu nahay dad sabool ah , mana haysano miisaan, laakiin adiga waxaan ka iibsadaa maalin kasta Kiilo sonkor ah kaasi ayaan ku soo qiyaasaa, markaa haddii uu dhinmay subagu adigana waxa dhiman kiilooga sonkorta ah. Ogow markasta oo ad si isku deydo inaad dadka khiyaamayso inay adiga kugu dhacayso.

Leave a Reply