Md. Saylici oo Bogaadiyay Taiwan Farriina u Diray China

0
335

Shiinaha waxaan leeyahay waxaanu jecelnahay in caalamku nabad ku wada noolaado, bulsho walbana afkaartooda lagu tixgeliyo”

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somalialnd ayaa ku bogaadisay dalka Taiwan taageero deeqo waxbarasho ah oo ay siisay dhalinyaro waxbaratay, sidoo kalena fariin u dirtay dalka shiinaha.

Madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Saylici) oo shalay ka qeybgalay munaasibad safaarada dalka Taiwan ku sagootiyeysay arday deeqo waxbarasho helay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Taiwan is-ictiraafsan yihiin.

Waxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin in dalka Taiwan sannadkii labaad deeqo waxbarasho siiso ardaydeena, isla markaana uga mahadcelinayo masuuliyiinta safaarada Taiwan ee halkan iyo xukuumada Taiwan.

“Waxbarashadu waa aasaaska horumarka qaranka. Deeqdu waxay markhaati u tahay iskaashiga Taiwan.”

Md. Saylici ayaa sheegay in Somaliland iyo Taiwan wax badan wadaagaan, isla markaana ay hambalyeynayaan sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay bilowga xidhiidhka labada dal oo shalay ku beegnayd.

“Labada dal yaan la ictiraafsanaan. laakiin inagaa Somaliland-Taiwan ayaa is-ictiraafsan”

Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Taiwan, waxaanu fariin u diray dalka Shiinaha inuu ixtiraamo jaarnimada, waxaanu yidhi, “Dalka shiinaha waxaan leeyahay bulshooyinka caalamka waxaan jecelnahay inay nabad ku wada noolaadaan, bulsho walbana afkaartooda siyaasiga lagu tixgeliyo.”

Waxuu sheegay in xukuumadu diyaar u tahay soo dhoweynta ganacsatada Taiwan ee maalgashiga ku samaynaysa dalka, mudnaan gaar ahna xukuumadu way siinaysaa.

 

 

 

Leave a Reply