Dadkii i Shiidayay Waxay Ahaayen Jufada Cirro” Wasiir Siciid Sulub

0
241

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa ku ee deeyay Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro in uu ka dambeeyay dhalinyaradii shalay ku shiiday aaskii loo sameeyay shalay dadkii ku dhintay Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Hargeysa oo uu ka qayb galay.

Siciid Sulub Maxamed oo Warbaahinta la hadaly ayaa waxa uu sheegay in dhaqankeena aanay ahayn in dumarka la geeyo xabaalaha,waxaana uu in taasi ku daray in dhalinyaro la soo abaabulay oo weer cas xidhan la keenay aaskaas.

Siciid Sulub oo Arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi”Waxa aanu ugu tagnay Aaska inamo feedho qaawan oo sidii Mudaharaadka qaawan oo abaabulan oo Waraado lagu soo guray weer casna loo soo xidhay,iyada oo aanay dhaqankeena ahayn in Dumarka la geeyo Xabaalaha.waxgaradkii iyo Salaadiinta waa nooga mahadnaaqeen halka Dawlada iska taagtay khasaarahaa dhacay sidii looga shaqeeyay.markii ay yimaadeen meesha Madaxdii Xisbiga Waddani inamadaa ay soo abaabuleen waxa lagu amray in aniga i shiidaan markiiba shiidku wuu bilaabmay askartii ila socotay waxa aan ku amray in aanay xabad ku ridin dadka,waana Maalintii koowaad dhaqan Bini,aadam oo xabaal dusheed laga Mudaharaadayo.halkaa ceebta ka dhacday waxa iska leh Cirro iyo cida la talisa waa dhaqankoodii,waxa wax shiidayay waxay ahaayen labada jifo ee wax ka dhinteen jufo ka mida ee jifada Cirro ayay ahaayeen iyo dad looma ooyaana,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa uu tilmamay in aanu Madaxweyne ku noqonan Cirro sida uu wax u wado.Waxaana uu yidhi”Sida Cirro damcay maaha si uu ku fuulayo kursiga oo uu Madaxweyne ku noqonayo waxaana uu damcay in dalka umulo doox ka dhaco oo lays dilo,waxaana is dilaya inta ku nool Cawaale Sukhaar iyo siirooga iyo Kaalinta ilma shugri iyo Hoteel Maamuus ayuu isku wadaa waanay bilaamatay,maalintii la mudaharaadayay gurigayga ayay ku soo mudaharaadeen askartii ila joogtay ayaa caabiday Cawaale Sukhaar iyo Siirooga cida ku nooli waa aniga halkuu ka gaadhayaa Madaxtooyadda dariiqii uu Cirro u mari lahaa Madaxtooyadda wuu ka ambaday.waxa ay sababtay in dadkii Mudaharaadkii way ka fadhiisteen marka laga reebo New Hargeysa,Cawaale Suukhaar iyo Siirooga oo ay ka bilaabeen jufo gaara ayaa dagta.halkaa waxa ka cad Mudaharaad faashila oo ku soo ururay deegaan qudha saddex qof oo isku jufa ayaa ka dhintay Mudaharaadkii Xirsi iyo Cirro hor ka cayeen,”.

 

 

 

 

Leave a Reply