Siyaasia Axmed Digaale oo Sheegay in Qas iyo Fawdo aan lagu Gaadhi Karin Kursiga Madaxtinimada

0
233

Hargeysa (Dawan)- Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale ayaa ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka iyo Mudaharaadadii Xisbiyadda Mucaaradka ka sameeyeen qaar ka mida Gobalada dalka.

Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad ku dhintaan Mudaharaadadii Xisbiyadda Waddani iyo UCID ka sameeyeen Gobalada dalka Maalintii Khamiistii ee toddobaadkan.

Axmed Cabdale Digaale ayaa waxa uu usoo jeediyay guud ahaan shacabka Somaliland in ka feejignaadaan wax kasta oo wax loogu dhimayo Nabedgalyada dalka,isla markaana lagu faro adaygo Dawladnimada iyo nabada meelna looga soo wada jeedsado Midnimada Qaranka Somaliland.

Axmed Cabdale Digaale ayaa waxa uu tilmaamay in aan loo baahnan in lagu kala qaybiyo Shacabka doonista kursiga dalka ugu sareeya.isla,markaana aan guul lagu gaadhi karin dhiiga shacabka iyo qas iyo fawdo laga abuuro dalka.

Sidoo kale Axmed Cabdale ayaa waxa uu ku baaqay in khilaafka Doorashooyinka loo maro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala.

 

 

 

Leave a Reply