“Furista Ururada ee Laga Roorayaa Miyaanay Ahayn tii Waddani Ku Soo Baxay” Bashiir Cabdi Xarir

0
77

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo Cirro ku eedeeyay inuu soo abaabulay dhalinyaradii shiiday Wasiir Siciid Sulub

 Hargaysa (Dawan): Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir, ayaa fool xumo aad u weyn ku tilmaamay dhacdadii shalay lagu weeraray wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed.

Waxaanu weerarkaasi ku eedeeyay hogaanka labadda xisbi mucaarad ee Somaliland gaar ahaana C/raxmaan Cirro, oo uu sheegay inuu isagu soo abaabulay dhalinyaradii wasiirka Xanaanadda Xoolaha ku Shiiday aaska dadkii ku geeriyooday mudaharaadkii Khamiistii hore.

“Waxaa fool xumo aad u weyn ah, in dadkii masuuliyiinta ahaa ee hawshaa nabadda ka shaqaynayay, ee dadkii dhintay in la aaao ka shaqaynayay, ee xukuumadu in ay Magtii bixiso ka shaqaynayay, ee uu Siciid Sulub ka midka ahaa, in aaskii uu reerku iaugu yimid.

In ciyaal, iyo dumar lagu soo abaabulay, oo ay ku soo abaabuleen C/raxmaan Cirro, oo dalka xukunkiisa doonaya, iyo inta ay isku xisbiga yihiin, oo ay yidhaahdeen Shiidda, oo waxyeelo u gaysta, arrin aad iyo aad u fool xun weeye, oo aan taariikhda hore u dhicin” ayuu yidhi Bashiir Cabdi Xariir, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa.

Bashiir Cabdi Xariir, waxa kaloo uu ka hadlay mudaharaadyadda ay ku baaqayaan labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, waxaanu sheegay in ninka siyaasiga ah looga baahan yahay inuu aqoontiisa, iyo siyaasadiisa ku hogaamiyo bulshadda oo uu guul ku keenno.

Iyadoo aan loo mudaharaadin lagu na dhiman, isla markaana aan lagu dhaawacmin. Waxaanu C/raxmaan Cirro, ku dhaliilay inuu ku fashilmay siyaasadda iyo tallaabadii uu bulshadda Somaliland ku kasban lahaa.

Waxaanu yidhi, “Kurisga lagu gaadhi maayo, dalkoo la bur-buriyo, madaxdoo la Shiiddo, iyo mudaharaadyadda oo lagu dhinto. Cirro, haddii uu dalka Somaliland madaxnimo ka doonayay, dagaalkii iyo qaskii uu la doonayay Somaliland, raaskiisii ayuu soo dhex dhigay. Kicintii iyo bur-burintii uu Cirro la doonayay qaranka, maanta waxay taagan tahay reerka gudihiisa ayuu keenay, oo a dhex taallaa”.

Geesta kale Bashiir Cabdi Xariir, waxa uu xusay in ay sharci darro tahay in mudaharaadyo la abaabulo iyadoo aanu weli dhamaanin wakhtigii la doortay xukuumadda, sidaas darteedna mudaharaadyadda ay mucaaradku wadaan yihiin sharci darro.

“Weli shantii sanadood ee xukuumadu may dhamaanin, oo wakhti baa weli u hadhsan. Ma korodhsiimo ayaa la gaadhay? Waa maya.

Ururadda la furay miyaanay ahayn kuwii hore loo furay, ee uu xisbiga Waddani ku soo baxay, ee uu xisbiga ku noqday. Saddexdaa qodob iyadoo ay jiraan, maxaa looga war-wareegayaa nidaamka iyo sharciga in la marro” ayuu yidhi siyaasi Bashiir Cabdi Xariir.

 

 

 

 

Leave a Reply