Afar Urur oo Cuddudooda kula Midoobay Ururka WAABERI

0
419

Hargeysa (Dawan)- Afar Urur Iyo Taageerayaashooda ayaa ku soo biiray Urur siyaasadeedka Waaberi, munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo khamiistii ka dhacday magaalada Hargeysa, xilli maanta la filayo in lagu dhawaaqo wakhtiga ay bilaabmayso ololaha doorashada urur-siyaasadeedka cusub & xisbiyada qaranku.

Munaasibada oo ay ka soo qeybgaleen Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka WAABERI Md. Cabdirisaaq Ibraahim Ataash, Gud-xigeenka WAABERI Md. Mustafe Qodax, Xoghayaha Guud ee WAABERI Marwo Salma Cabdiraxmaan, masuuliyiin iyo taageerayaashooda, Gudoomiye Cabdirisaaq Ku-jare ee HAYAAN, Gudoomiye Cabdulqaadir Xaamud ee HANAQAAD, Gudoomiye Marwo Suhuur Xasan Abiib ee UGBAAD & Gudoomiye Cabdirashiid Shiine, ee MURUQMAAL iyo taageerayaashooda ayey dhamaantood sheegeen inay cuddudooda ku biirin doonaan Urur-siyaasadeedka WAABERI.

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka WAABERI Md. Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa soo dhoweeyey Gudoomiyeyaasha & taageerayaasha afarta urur ee cuddudooda ku soo biiriyey WAABERI.

Md. Cabdirisaaq ayaa sheegay inay farxad u tahay in hablahii wadanku hibo yeesheen inay ku soo biiraan masraxa siyaasada dalka, sida Suhuur Xasan Abiib oo ka mid ah hablahaa hanka yeeshay.

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka WAABERI Md. Cabdirisaaq oo ka hadlayey wacyiga siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay inay afarta urur & WAABERI u midoobeen sidii loo mideyn lahaa bulshada dalka inay ka faa’iideystaan fursada dhinac walba dalkeenu leeyahay.

“Waxaad ku soo biirteen ururka WAABERI oo doonaya inuu siyaasadiisa hogaamintu hormood u yihiin dhalinyarada wiilal iyo hablo.

Gud Ataash ayaa sheegay in 15 urur oo WAABERI ka mid yahay la siiyey shahaadadii ayaa saaxada siyaasada dalka & doorashooyinka uga qeybgeli lahaayeen. Waa xuquuq aasaasi ah oo qof kasta oo reer Somaliland leeyahay, maaha xuquuq xisbi gaar ah ama urur gaar ah leeyahay.

Waxuu bulshada Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan horumarka, iyo wadajirkooda, iskana ilaaliyaan kala qeybsanaan iyo qabyaalad. Qaran ayeynu u baahan nahay ee qabyaalad uma baahnin.

Dhinaca kale, Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqaan xilliga uu bilaabmayo ololaha doorashada urur-siyaasadeedka cusub & xisbiyada qaranka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply