Wefti ka Socda JSL oo Booqday Xarunta Baarlamanka Chana

0
214

Acra (Dawan)- Baarlamanka Dalka Ghana, ayaa kulan hal maalin ah ku qaabiley wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo Hanti-dhawraha guud ee Qaranka, kaasoo ka kooban masuuliyiin ka kala socda laamaha dawladda oo tababar aqoon-korodhsi ah ku joogga waddankaasi.

Weftiga oo maalintii shalay booqday xarunta baarlamanka Ghana, ayaa waxa halkaasi ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan maamulka xafiiskaasi, kuwaasoo sharaxaad ka siiyey qaabka uu golahaasi u shaqeeyo, shuruucda dalkaasi iyo nidaamka arrimaha maamulka dawliga ah.

Wefti Somaliland oo ka kooban toddoba xubnood oo ay kamid yihiin agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda, ayaa waxa booqashadoodu la xidhiidhay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya machadyada shaqaalaha dawladda Somaliland (CSI) iyo dhiggooda Ghana iyo waliba laamaha kale ee hay’addaha maamulka labada dawladdood, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed lagu baahiyey warbaahinta baarlamanka Ghana.

Ku-xigeenka madaxa adeegyada ee baarlamaanka Ghana, Mr. Ebenezer Ahumah Djiettror oo xog-waran siiyey xubnaha weftiga, ayaa sharraxay dabeecadda gaarka ah ee Dastuurkii 1992 ee waddankaasi.

Madaxa weftiga iyo hanti-dhawraha guud ee Somaliland, Axmed Yuusuf Dirir ayaa ku dheeraaday halka ay marayso siyaasadda Somaliland, horumarka ay ka gaadhay nidaamka dawladniamda iyo sida loogu baahan yahay ku dhaqanka dimuqraadiyadda.

Warsaxaafaddeedka baarlamanka Chana ka soo saaray kulanka ayaa lagu yidhi “Somaliland waxay xornimada qaadatay 18-kii May, 1991-kii, waxayna si tartiib-tartiib ah u koraysaa si ay u noqoto dal dimuqraadi ah oo lagu daydo”

Hanti-dhowraha Somaliland Axmed Dirir Yuusuf “Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray in Baarlamaanka Somaliland uu ka kooban yahay saddex meelood laba meel xubnaha xisbiyada mucaaridka ah. Gaba gabadii wuxuu soo jeediyay barnaamijyo tababar oo dheeri ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dheeri ah si loo hormariyo qaaradda Afrika”

Kulankan waxa goob-joog ka ahaa Professor Martin M. Tuuli oo ka socday Machadka Daraasaadka Maareynta ee Ghana iyo kuxigeenka Madaxa Ganacsiga Dhismaha iyo Maareynta Mashruuca, sida lagu sheegay warsaxaafaddeddka.

 

 

 

Leave a Reply