Casemiro oo ka mid Noqon Doona Ciyaaryahannada ugu Qaalisan ee Man United

0
264

Tabobaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in xiddiga khadka dhexe ee Casemiro uu doonayo inuu iskaga tago kooxda xilli ay Man United ku dhawdahay heshiis ku kacaya 70 milyan oo euro.

Wadahadallada ayaa u dhacay qaab degdega ah, United ayaa rejo ka qabta in heshiiska 30-jirka reer Brazil la dhameystiri doono maalmaha soo socda.

Casemiro ayaa tabobar la qaatay Real Jimcihii shalay.

“Wada xaajoodyadu hadda way socdaan, weli waa ciyaartoygayaga laakiin rabitaankiisu waa inuu baxo” ayuu yidhi Ancelotti.

“Waan la hadlay isaga, Casemiro, waxa uu sameeyay iyo shaqsiga uu yahay, waa inaanu ixtiraamnaa rabitaankiisaas”.

Tababaraha reer Italy ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Casemiro waxa uu doonayaa loolan cusub, waananu dareemaynaa xaalkiisa, uma maleynayo inay jirto wado uu ku negaan karo”.

Heshiiska United ee ciyaaryahanka ayaa ah 60m euros (£50.7m) iyo 10m euros (£8.5m) oo dheeri ah.

Casemiro ayaa Real la joogay tan iyo 2013, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo La Liga ah iyo shan Champions League.

United ayaa ah kooxda ugu hoosaysa Premier League waxayna marti galinaysaa Liverpool isniinta.

Casemiro ayaa noqon doona mid ka mid ah xidigaha ugu qaalisan ee United, haddii uu dhamaystiro heshiiska waxaanu saxeexi doonaa heshiis afar sano ah iyada oo uu heshiiska sanad dheeraad ah oo ikhtiyaar ah.

Ka dib wada-hadallo ay kula soo saxeexanayeen laacibka reer Juventus Adrien Rabiot ayaa ku burburay dalabka ciyaaryahanka, United ayaa dareenkeeda u jeedisay Casemiro iyagoo doonaya inay wax ka qabtaan daciifnimada khadka dhexe ee Erik ten Hag.

Leave a Reply