Chelsea oo Dhamaystirtay Saxeexeedii Lixaad ee Suuqa Xagaaga

0
294

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi a u xaqiijisay inay dhamaystirtay saxeexeedii lixaad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Chelsea ayaa xaqiijisay inay xiddiga khadka dhexe ee Cesare Casadei kala soo wareegtay kooxda Inter Milan kaasoo ah saxeexeedii  lixaad.

Blues ayaa sidoo kale sheegtay in xddiga reer Italy qalinka ku duugay heshiis lix sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Bridge.

Wacdaraha blues ee suuqa ayaa sii socda ka dib markii ay ku dhawaaqday saxeexa xiddiga da’yarka ah ee Cesare Casadei kaasoo ay ka soo bixisay lacag dhan 15 milyan oo euro.

Xiddiga Cesare Casadei ayaa noqday saxeexii lixaad ee ay Chelsea samaysay kadib saxeexyada Raheem Sterling, Kalidou Koulibaly, Gabriel Slonina, Carney Chukwuemeka & Marc Cucurella.

Leave a Reply