Chelsea oo Shuruud ku Xidhay ku Biirista Christian Pulisic ee Man United

0
235

Chelsea ayaa diyaar u ah inay u ogolaato xiddiga Christian Pulisic inuu amaah ugu biiro Manchester United suuqa kala iibsiga xagaagan.

Blues waxa ay aqbashay in koobka adduunka sanad gudihiis, Pulisic uu doonayo in uu boos joogto ah ka helo.

Si kastaba ha ahaatee kooxda chelsea ayaa gaar ahaan Milkiilaha kooxda chelsea ayaa hal shardi ku xidhay in uu Pulisic qaab amaah ah ugu biiro kooxda Man United Sida laga soo xigtay Daily Mail.

Haddii Pulisic uu doonayo inuu amaah ugu ciyaaro United xilli ciyaareedkan waxa uu u baahanyahay in uu marka hore qalinka ku duugo heshiis cusub oo Chelsea ah.

Xiddiga 23 jirka ah ayuu laba sano uga dhiman yahay heshiiskiisa Chelsea taas oo werwer ku ah Blues.

Sidaas darteed Chelsea ayaa doonaysa in uu xiddigu qalinka ku duugo heshiis cusub ka hor inta aanu amaah kaga tagin kooxda.

Leave a Reply