Cristiano Ronaldo oo Saxeexiisa u soo Bandhigay Koox kale oo Reer Yurub ah

0
366

Cristiano Ronaldo ayaa isku dayay inuu soo afjaro dhibaatada ka heysata Manchester United xilli uu xiddigu rajaynayo in uu ku biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Ronaldo ayaa saxeexiisa u soo bandhigay kooxda Borussia Dortmund si uu ugu biiro kooxda reer Germany suuqa xagaagan.

Kooxda Bprussia Dortmund ayaa xilli ciyaareedkan ka ciyaari doonta tartanka champions League marka loo bar-bar dhigo kooxda Man United oo seegtay tartanka.

Cristiano Ronaldo ayaa maamulka Man United u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ronaldo ayaa ilaa haatan saxeexiisa u soo bandhigay kooxo badan oo reer yurub ah, si uu ugu biiro kooxahaas oo dhamaantood ka ciyaaraya tartanka champions League.

Laakiin kooxahaas ayaa dhamaantood iska diiday saxeexa xiddiga iyada oo Dortmund tahay kooxdii ugu dambaysay ee uu saxeexiisa u soo bandhigay.

Leave a Reply