Madaxwaynaha Waxaan u soo Jeedinayaa in Madxafka Qaranka Lagu Xuso Magaca Hadraawi (AHN)

0
289

Mudane Madaxwayne ALLAH ha u Naxariisto Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ahaa Oday Tixgalin iyo Maamuus inaga mudan Qaranka SOMALILAND iyo SHACABKABA waxan kuu soo jeedinayaa in loogu Magac Daro Xarunta Taariikhda Somaliland ee Khayriyada waana Goob ku haboon in lagu maamuuso waayo waa Goob kayd u noqon doonta Cilmiga iyo Sooyaalka Taariikhda Somaliland Waa Goob ku Taala Caasimadii Dalka waa Xarun ay dhaxli doonaan Dhalinyada Somaliland mustaqbalka Fog iyo wakhtiganba.

Sidaasi awgeed waxan Madaxwayne idinku dhiirigalinayaa in Xaruntaas Khayriyada ee dhismaheedu socdo loo bixiyo MATXAFKA QARANKA SOMALILAND EE HATRAAWI INSHA ALLAH

SIDAASI IYO WABILAAHI TOWFIIQ

ALLAH MAHADLEH

QORE.MOWLIID AADAN CUMAR

HARGAYSA SOMALILAN

 

Leave a Reply