Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa ka hadlay Mudaharaadkii ay sameeyeen Xisbiyadda Mucaaradka Waddani iyo UCID toddobaadkii hore ee dadku ku dhinteen.
Mujaahid Cabdilaahi Darawal ayaa waxa uu usoo jeediyay in wax faa,iido oo ay u keenaysaa aanay jirin Mucaaradka dadka ay kicinayeen,waxaana uu intaasi ku daray in furista Ururada Siyaasada ay tahay mid sharciya.
Cabdilaahi Darawal oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa noo soo dhamaaday shirkii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada qabatay 15 Urur Siyaasadeed ayaana shahaadooyin la guddoonsiiyay shaqada ay ku bilaabi la haayeen si fiican ayaanay u dhamaatay, waxaana aan filayaa in inta kalena si fiican inoogu dhamaadaan,waxaana aan u sheegayaa Mucaaradka diidan furista Ururada Siyaasada in waxan aanu ku doodaynaa in ay sharci tahay,laakiin qaabkan ay wax ku doonayaan in ay wax ku marsadaan maaha mid ay wax uga suura galayaan,iyaguna waa ogyihiin in aanay waxba uga suuragalayn qof la doortay ayaana badali kara Madaxweynaha,”.
Cabdilaahi Darawal oo hadal kiisa sii Wataa waxa uu yidhi”Waxaana aan leeyahay maaha dariiq aad ku helaysaan waxan aad doonaysaan,dariiqii shalay aad wax ku noqoteen ayaa yaala ee ku soo biira.dadka aad Maalin walba aad kicinaysaan wax faa,iido ah oo ay idiin keenaysaa majirto wataa Caruurtii ku dhimatay,waxaana ay ku dhinteen arin aanay fahamsanan Ilaahay ha,Unaxariisto Waalidkoodna samir iyo iimaan alle haka, siiyo. waar inta dambe badbadadiya ayaan idin leeyahay oo ka daaya kicinta,”.