Balligubadle: Wasiirro ka Qayb-galay Daah-furka Ceel-biyood Riig ah oo Xukuumaddu ka Qodayso

0
220

Balligubadle (Dawan:- wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland,ayaa shalay ka qayb galay daah furka Riig biyood Xukuumaddu ka qodayso Xarunta gobolka Hawd ee Balligubadle.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha

Cabdiqaadir Iimaan Warsame,ayaa wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) iyo bahda Wasaaraddaasi ku bogaadiyey Ceelka Riigga ah ee shalay  qodiddiisa laga bilaabay duleedka Balligubadle.

Wasiirku wuxuu rajeeyay in Ceelkaa Riigga ahi noqdo mid hawsha qodiddiisa lagu guulaysto, si Mustaqbalka dhaw ay uga faa’idaystaan dadka iyo duunyada halkaa ku nooli.

Munaasibadda Daah-furka waxa kale oo ka qayb-galay Wasiirrada Arrimaha Dibedda Dr.Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), Maamulka Gobolka Hawd, ka degmada Baligubadle iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasi oo iyaguna bogaadiyey Ceelka Riigga ah ee hawshiisa la bilaabay Maanta.

 

Leave a Reply