Havoyoco waxay Qayb wayn Ka soo Qaateen Dib Dhiskii iyo Dib-u-Heshiisiintii Somaliland” Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Md. Saylici

0
394

Labada arrin ee Havoyoco guusha ku gaadheen waa ku dhaqanka xeerarka u dhigan iyo daahfurnaan

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in Hay’adda  Havoyoco ku suntan yahay dib-u-dhiska iyo dib-u-heshiisiintii Somaliland.

Sanandkii labaad ee dib-u-dhiska Somaliland ayey ku fikireen inay magaalada Hargeysa ka bilaabaaan hawlo samo-fal, waanay ku mahadsan yihiin.

Md. Saylici oo shalay hadal ka jeedinayey munaasibada 30 guuradii ka soo wareegtay markii ururka Havayoco ka aasaasay oo ku beegnayd sannadkii 1992 ayaa sheegay in ururka Havoyoco heerkan ku soo gaadheen maamul-wanaag iyo daahfurnaan, iyagoo ahaa dhalinyaro u midoobay inay horumar gaadhsiiyaan dalkooda.

“Ururada dhisma waxa mar kasta baabi’iya maamul xumo, lakiin Havoyoco waxay noqdeen urur maamulkiisu daahfuran yahay.” Ayuu yidhi Md. Saylici, isagoo raaciyey,  “Labada arrin ee Havoyoco guusha ku gaadheen waa ku dhaqanka xeerarka u dhigan iyo daahfurnaan.”

Md. Saylici ayaa sheegay in ururka Havoyoco tusaale u noqon doono dhalinyarada Somaliland iyo cid kasta oo doonaysa inay urur horumarineed samaystaan, waa inay ku deydaan ilayn waxa wanaagsan ayaa la iskaga deydaaye.

Leave a Reply