Weedha Wargeyska: Siyaasiyiintu ha ixtiraamaan shacbiga tabaalaysan!

0
91

Labadii sannadood ee u dambeeyey dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland waxa si weyn u saameeyey isbedelka cimillada ee caalamka dhalan-gediyey dabeecadihii dabeeciga ahaa ee ka jiray. Wadamada Yurub qaarkood iyo Ingiriiska waxa halakeeyey Kulayl iyo dab ka kacay kaymaha. Sidoo kale qaybo kamida Aasiya waxa ku dhufatay Abaar. Afrika dhankeeda waxa isu raacay Abaar iyo dhaqaale xumo aad u daran oo ay sababeen xayiraadihii cudurka COVID19 iyo dagaalka sanadkan ka qarxay Ukraine oo dhibaato weyn ku keenay ganacsigii caalamka.

Geeska Afrika, gaar ahaan dalkeena Somaliland heerka abaartu wuxuu gaadhsiisan yahay xaalad hadal haynteedaba layska daboolay oo aan gurmadkeeda alle mooyaane bina-aadam ka jawaabi Karin. Waa Abaarta Oday 80 jir ahi sheegay in aanay waligeed mid lamid ahi soo marin deegaanka uu ku nool yahay oo ah agagaarka degmada Gabiley.

warbixinaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah  ee laga soo saaray bilihii u dambeeyey abaarta ka jirta deegaamada Somaliland, waxa ay tibaaxayaan in roobkii guga  iyo xilli roobaadyadii kale ee la heli jiray oo aaad u yaraa darteed dhibaato daran ay ku yururto dadka iyo duunyada oo ay xaaladdu alle ha inaga dulqaadee dul-hoganayso macluul iyo nafaqo darro dad iyo duunyo leh.

Roobkii gu’ga ayaa qaaday wakhti hore oo bishii May ahayd, waxaana aad u yaraa roobabkii la filayey inay da’aan bisha June dhexdeeda. Deegaamada Galbeedka iyo Oogada koonfurta gobolka Maroodi-jeex, Awdal iyo Gabiley inkasta oo roobkii Karanta ka da’ay meelo kamida, haddana roob la’aantii Gu’ga ayaa daciifisay rejadii laga qabay wax-soo-saarka dalagga Beeraha, sida ay warbixinuhu sheegeen.

Dhanka roobabka, gu’gii la soo dhaafay biyaha roobka waxa la helay celcelis ahaan boqolkiiba soddon ilaa lixdan inta u dhaxaysa (30% ilaa 60%). Deegaamada qaar, khaasatan Hargeysa iyo nawaaxigeeda waxaaba bilihii wakhtigii roobka la filayey saqafka guryaha iyo geedahaba ruxaysay dabeyl qalalan, taasoo qayb ka ah isbedelka cimilo ee la dareemay.

Marka laysku soo uruuriyo xaalada dalku ku sugan yahay, gaar ahaan bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeralaydu waa mid aad uga duwan wacyiga naf-la-caaridka ah ee magaalooyinka ka taagan ee ay ugu wacan tahay caqabadaha sicir-bararka adduunyada oo dhan saameeyey iyo yaraanshiyaha khayraadka nololsha maalinlaha ah aasaasiga u ahaa ee Baadiyaha laga heli jiray, sida cuntooyinka daruuriga ah waddanka, cad, caanaha iyo manaafacaadka kale ee xoolaha nool.

Tusaale ahaan, boqolkiiba sagaashan qiyaasta macquulka ah oo kamida bulshada Somaliland, waxay la dhako-faarsan yihiin cidhiidhiga nololsha ee dhinac walba taabtay, taasoo ay kala siman yihiin umaddaha caalamka badankooda, balse ay u dheertahay iyaga jiritaan la’aanta amase koobnaanta wax-soo-saarka maxaliga ah ee ay cuntada iyo tamartu ka mid yihiin.

Sidoo kale, dhaawaca dhaqaale, shaqo la’aaneed iyo adeeg yaraaneed ee ka dhashay gubashadii suuqii Waaheen ee uu ku burburay dhaqaalaha dalka qaybtii, waa nabar riiqdiisu raagayso oo ku yaalla umadda ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasoo ay tahay, yooyooyatanka iyo qaylada ay hogaaminayaan siyaasiyiinta dalka la hogganayaan, waxa aad moodaa in aanay xogogaal u ahayn waaqica iyo waayaha ku gedaaman shacbigooda Miyi iyo magaaloba ku tabaalaysan. Waxaana dareenka xaqiiqo la’aantu ka muuqdaa hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka ee  beryahan dambe ku dhegsan in aan tooda mooyee tu kale soconaynin.

waayo? Xukuumaddu way dedaalaysaa intii awooddeeda ah, waxaana socda hawlgalo gurmad iyo taban taabo ah oo ay hogaaminayaan guddida heer qaran ee taakulaynta Abaaraha iyo hay’addaha kale ee qaranka ee u xilsaaran arrimaha bulshadu.

Hase yeeshee, doca-docaynta xad-dhaafka ah ee xisbiyada Mucaaridka, kuna saabsan tumashada durbaanka xaasaasiga ah ee gaadhsiisan inay nabad-gelyada iyo midnimada isku dayaan inay dhaawacaan, waa talaabooyin wiiqaya qorsheyaasha taakulada umadda noloshoodu diiqa ku jirto ee sedba ka haya nabad-gelyada, xasiloonida iyo nidaamka dawladdeed ee aan tamartii u darnayn, dedaalkana ugu jira samato-bixintooda.

Sidaas darteed, waxa muhiim inay hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka iyo ologgooduba joojiyaan dhawaaqyada dhiillada iyo jahawareerka xambaarsan ee ay sida dubaha ula dhacayaan degenaanshiyaha qaranka,  isla markaana waa in iyagoo aan ka tagayn doodda ku wajahan arrimaha doorashooyinka ay si ixtiraam iyo taxadir u leh yuhuunta shacbiga uga garnaqsadaan wixii ay diiddan yihiin.

Si guud, xal u helida khilaafka doorashooyinku waa xaajo ku dhamaan karta oo kaliya wadahadal, dabaqaad sharci,deggenaanshiyo siyaasaddeed iyo tanaasul, mana aha arrin lagaga biyo-dhiijin karo qas, qalallaase iyo qaylo-dhaan aan ku salaysanayn xaqiiqo oo fagaareyaasha lala taagnaano.

Sidoo kale, waa xaajo guul ka gaadhisteedu ku xidhan tahay go’aanka shacbiga dhibaataysan ee sida tudhaale la’aanta ah wakhtigan adag siidhiga colaada iyo curfiga loogu tumayo. marka ay sidaa tahay waa in hogaamiyeyaasha siyaasaddu  fahmaan in aan dareenka bulshadu qaadi Karin culayska muramaha siyaasadda ee xilligan socda. Sidaa awgeedna loo baahan yahay inay Siyaasiyiintu ixtiraamaan shacbigooda tabaalaysan.

 

Leave a Reply