Daraasad: Kalluunka oo la Ogaaday inuu ka Hor Tago Xanuunnada Indhaha

0
337

Dad baddan waxay ka cawdaan xannuunada indhaha ku dhaca oo badankooda ka kaxeeya aragga dhaw iyo ka fog labadaba, sidaa darteed waxa jira cuntooyin ka hortaga dhibaatooyinka bani’aadamka ka soo wajaha dhinaca aragga.

Maadaama indhuhu ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee aadamaha, waxa fiican in qofku ilaaliyo caafimaadkiisa, isla markaana quuto cuntooyin ay ku badan yihiin macdanaha Lutien, Omega-3 Fatty Acid, Faytamin C, E iyo Zink oo ka hortaga xannuunada indhaha ku dhaca.

Haddaba, baadhitaanno iyo cilmi-baadhisyo la sameeyey ayaa iftiimiyey in cuntooyinkan soo socda badnakoodu faa’iido u leeyihiin caafimaadka indhaha bani’aadamka:

Ilaha ugu wanaagsan ee laga helo Faytamiin A iyo maadada Beta- Carotena oo aragga qofka or u qaadda. Faytamiin A waxa uu muhiimad badan u leeyahay oogada sare ee indhaha, halka maadada Beta-carotene awood u yeesho maadooyinka

Antioxidant si unugyada indhaha uga difaacaan qashinka yaryar ee dibadda kaga yimaada.

Sidoo kale waxa ku badan firilayda iyo macdanta Potassium, taasoo macnaheedu yahay in caafimaadka kale ee guud kalluunku u fiican yahay, sababtoo ah macdanta Potassium-ku waxay isku dheellitirtaa dareeraha iyo dheecaanka jidhka ku jira, halka firilayduna u fiican tahay shaqada hab-dhiska dheef shiidka cuntada.

Saliidda kalluunka, gaar ahaan noocyada loo kala yaqaan Salmon, Sardines, Herring iyo Mackerel amma Halibut waxa ku badan maadada la yidhaa Omega-3 Fatty Acid oo u fiican caafimaadka indhaha. Qofka si joogto ah u cuna kalluunka wuxuu iska difaacaa 38% xannuunada aragga dila, sababtoo ah waxa kaloo kalluunka ku jira faytamiin D, kaasoo ka caawiya in indhuhu noqdaan qaar caafimaad qaba.

Sidoo kale, maadada Omega-3 Fatty Acids waxay jidhka kale ka caawisa in ay caabuqa iyo subagga hoos uga dhigto amma qofka ka ilaaliso cudurrada asaasaqa keena sida Alzheimer

Leave a Reply