Afar Arrimood oo Erik Ten ka Caawiyay in United Guul ka Gaadho Liverpool

0
379

Erik ten Hag ayaa ugu dambayn Manchester United ku hoggaamiyey guul ay aad ugu farxeen oo ay ka gaadheen kooxda ay ugu neceb yihiin oo ah Liverpool, taas oo aamusiisay taageereyaashii tirada badnaa ee ku mudaharaadayey bannaanka Old Trafford ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin.

Laba gool oo ay kala  dhaliyeen Jadon Sancho iyo Marcus Rashford ayaa siiyey Liverpool guul ay si weyn ugu dabbaal-dageen halka Liverpool uu gool samirsiis ah uu waqti dambe u keenay Mohamed Salah.

Manchester United ayaa soo afjartay guulihii Liverpool ee xidhiidhka ahaa ee Old Trafford ee tan iyo sannadkii 2018, waxaana inkaartaas soo afjaray Erik ten Hag oo afar arrimood oo uu sameeyey ay kooxdiisa ku hoggaamiyeen guushan weyn.

Afarta arrimood ee uu sameeyey Erik ten Hag ee sababta u noqday in Manchester United ay Old Trafford ku garaacdo Liverpool ayaa kala  ahaa:

  1. Inuu fadhiisiyey Cristiano Ronaldo

Waxa uu ahaa go’aan ay dad badan la yaabeen, laakiin taatikadii uu Erik ten Hag soo dejistay way u shaqaysay. Xiddiga reer Portugal ayaa ciyaartii Brenftofrd oo uu kusoo bilowday aad u liitay, halka kulankii ka horreeyey ee Brighton oo uu waqti dambe beddel ku yimidna aanu waxba la soo gelin garoonka.

37 jirkan oo ahaa ciyaartoyga kaliya ee goolasha ay ka sugaysay Man United xilli ciyaareedkii hore ayaa uu tababaruhu go’aamiyey in uu kaydka dhigo, waxaanu booskiisa  keenay Elanga oo caawiyey goolkii koowaad, sidoo kalena cadaadis badan ku hayay difaaca Liverpool iyagoo si fiican isku fahmayay Jadon Sancho iyo Marcus Rashford  oo orod iyo tamar aan is-dhimaynin garoonka ku muujiyey.

Saddexda afka hore kusoo bilowday qaybtii hore ayaa dhabarka ka jabiyey Liverpool, waanu ku saxsanaa go’aanka uu Ten Hag kaydka  ku geliyey Ronaldo.

  1. Kabkii kaydka la geliyey

Harry Maguire ayaa isaga oo ah kabtanka kooxda waxa lagu qoray inuu fadhiyo kursiga kaydka oo uu waliba ku dhamaysto. Waxa uu Ten Hag isku-dardaaray Lisandro Martinez iyo Raphael Varane oo uu mataaneeyey. Difaaca reer France ee Varane oo dhaawacyo ay daashadeen, ayaa ciyaar fiican muujiyey, laakiin halgamaaga kulankan ee la loodin waayey ayaa ahaa Lisandro Martinez.

Difaaca reer Argentina ayaa badbaadiyey gool uu isku qabtay Fernandes, sidoo kalena waxa uu marar badan la halgamay Mohamed Salah oo uu halkiisa ugu tegayay iyo Trent Alexander-Arnold oo marka uu kasoo baxsado Malacia uu isagana u diidayay inuu soo galo xerada ganaaxa.

Manchester United ayaa ku faa’iidday go’aanka uu Ten Hag ku fadhiiyey kabtan Harry Maguire.

  1. Xulashadii khadka dhexe

Khad dhexe oo adag, isla markaana awood u yeelatay inay Liverpool ka qabsato halkii ay kubadda ka maamuli jirtay ayaa Manchester United si weyn u caawisay, iyadoo waliba uu dusha sare ee garoonkana fadhiyey Casemiro oo ay isku soo xoojiyeen oo kulamada dambe yeelan doona booska kubbad-burburinta.

Erik ten Hag ayaa laba kubbad-sameeye oo ah Fernandes iyo Christian Eriksen kusoo bilaabay si uu dhexda uga qabsado Liverpool, sidoo kalena waxa uu kubab-dile ka dhigay Scott McTominay si uu u caawiyo difaacyahannada.

Wiilasha maanta uga ciyaarayay khadka dhexe waxa ka muuqday hidde-sidaha United ee adkaysiga iyo halganka.

  1. Kalsoonidii la siiyey Rashford

Marcus Rashford ayaa  soo afjaray muddo sannad ka badan oo uu canaan iyo dhalliilo loo jeedinayay la dhibaataysnaa, waxaana uu isku muujiyey ciyaartii Liverpool. Waxa uu dhaliyey gool, waxa uu dhawr jeer kubbado halis ah ku garaacay Alisson, sidoo kalena waxa uu ahaa khatarta joogtada ah ee nafta u keenay difaaca Liverpool.

Ten Hag ayaa kalsooni u siiyey Rashford inuu weerarka tooska ah ka ciyaaro, iyadoo ay kaydka ku jireen Ronaldo iyo Marcus Rashford waanay guuleysatay xeeladdaasi. Difaaca ayuu si fudud u dhex-cararay, waxaana ka muuqatay kalsooni iyo tamar bad

Leave a Reply