Garashada Qarsoon Iyo Ficilada Dadka

0
343
  • Jibraan Khaliil Jibraan ahaa qoraa iyo falsuuf boqortoyadii Cusmaanyiinta ku xidhnaa waxa uu isaguna yidhi : “ Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin, qofka aad wax siinayso  kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareemin”.  Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.
  • Waxa kale oo ka mid ah xikmadaha Khaliil :” Qofna xumaan dhexdiina kuma samayn karo haddaanay jirin doonistiina qarsoon iyo garashada qalbiyadiina”.
  • Cabdimalik Ibnu Marwaan asaasihii dawladdii Umawayiinta waxa uu yidhi : “ Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirin  marka uu sarreeyo, cafiskana yaqaana marka uu awooda leeyahay, cadaaladda sameeya  marka uu xukun hayo”.
  • Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell  ayaa yidhi : “ Noloshu waa ay ka gaaban tahay waana ay ka qiimo badan tahay in aan ururino gefafka ay dadka kale inagu sameeyaan iyo in weliba isku dirka dadka” . Mar uu ka hadlayay dadka khaladka ururiya wax uu sheegay in ay wakhti aad u qiimo badan iskaga dayacayaan dhaliisha dadka, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay oo farsamada noloshu ka kharibantay.

 

  • Faylasufkii Plato ayaa laga qoray : ” Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadho”.   Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faa’iido kuu leh. “ Arrimaha  badan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiilada”.

Leave a Reply