Guddi isu-xilqaantay mideynta laba Urur-siyaasaddeed oo natiijo ka gaadhi waayey

0
318

Hargeysa(Dawan)-Guddi ka kooban siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxgarad oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isuna xilqaamay inay mideeyaan laba urur-siyaasaddeed oo ay kala hogaaminayaan siyaasiyiin gobolladaasi kala soo jeedaa, ayaa sheegay in ay ku guul-daraysteen hawshii dhexdhexaadinta ahayd oo ay wadeen muddo laba bilood,kaddib markii uu ku gacan-saydhay qorshooda guddoomiyaha ururka WAABERI.

Guddoomiyaha Guddidaasi Ibraahim Ducaale Cawke iyo xubno kale oo kamida guddida isxilqaantay, ayaa ka waramay muddadii ay ku soo dhex jireen hawlaha dhexdhexaadinta labada urur iyo hogaankooda, waxaanay sheegeen inay laba bilood soo wadeen sulux iyo sabaalo siyaasaddeed oo ay isugu dhaweynayaan labada dhinac.

Waxa ay sheegeen in hogaamiyaha Ururka SPP iyo dhigiisa Waaberi kalsooni siiyeen markii ay qorshaha bilaabayeen, balse markii ay muddo shaqeynayeen ee ay iyaga dhexdoodu ka baaraan-degayeen arrimaha ay ku midayn karaan labada urur, talaabadii labaad ee ay go’aanka ku soo saari lahaayeen uu ka diidday inuu kalsooni u saxeexo Guddoomiyaha Ururka Waaberi Cabdirisaaq Ataash, halka guddoomiyaha ururka Shacabka Somaliland Dr. Saleeban Xaglo-toosiye ogolaaday, taasina ay bariiqasho ku keentay xaajadii ay bilaha xaawilayeen.

Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo aqoonyahanka guddida ah ee iskood isu xilqaamay, waxa ay go’aankooda ku gororiyeen in hogaamiyaha Ururka WAABERI ku noqday hor iyo daba diid, fashiliyeyna taladii waxgaradka iyo aqoonyahanku ku doonayeen inay ku mideeyaan masiirka xisbiyeed ee talada waddanka lagu gaadhi karo “muddo laba bilood ah ayaanu dhexdhexaadintaa xaawilaynay, markii hore labada dhinacba way na siiyeen kalsoonida in aanu dhexdhexaadino, markii aannu waydiisanay in ay kalsoonidii labaad noo saxeexaan si aannu go’aamo u soo saarno, nasiib-darro waxa na diidday Cabdirisaaq Ataash guddoomiyaha ururka WAABERI oo aannu wakhti badan ku noqnoqonaynay” ayuu Ibraahim Ducaale Cawke oo kamida xubnaha guddidaasi.

“sidaas awgeed annagu waxaanu bulshada Somaliland u sheegaynaa oo aanu beelaha harti u sheegaynaa in arrintaasi halkaa dhaafi wayday, annagoo is lahayn ka shaqeeya sidii ay labaas urur isugu noqon lahaayeen mid qudha oo saaxada xisbinimada u soo gudba. Wadadda iminka la hayaana waa tii guul-darrada”ayuu raaciyey mr Cawke.

Xubno kale oo halkaa ka hadlay ayaa iyaguna faahfaahin ka bixiyey qaababkii ay u waajaheen hawsha iyo meelaha ay ka socon wayday, waxaanay tilmaameen inay wali fursad u arkaan in saaxad qudha lagu mataaneeyo labada urur, si ay xisbi miisaan leh oo hogaaminta dalka u orda u noqdaan.

Guddidani ma ay sharaxin qaabka ay doonayeen inay labada urur-siyaasaddeed ku mideeyaan iyo fursadaha ay wadaajinayeen hogaamiyeyaasha aasaasay ee hanka siyaasaddeed leh.

Leave a Reply