Sababo kugu Qasbaya Isticmaalka Saliidda Kalluunka

0
360

Saliidda kalluunka la ogaaday inay tahay fure lagula tacaali karo, isla markaana lagula dagaallamo cudurro halis ah oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca wadnaha. Hadaba aliye.com ayaa halkaan idin kugu soo bandhigaysa 7 faaido oo dhanka caafimaadka ah oo ay leedahay saliida kalluunka.

Waxay kor u qaada habka difaaca jirka: Saliida kalluunka ayaa la ogaaday inay la shaqayso unugyada dhiiga cad ee muhiimka u ah difaaca jirka.

Waxay hoos u dhigtaa caabuqa: Maadada Omega-3 waxaa lagu yaqanaa inay u wanaagsantahay caafimaadka wadnaha, gaar ahaan waxa la xiriiriyaa inay saamayn badan ku leedahay caabuqa.

Ka hor taga cudurada halista ah: Dhakhaatiirta ayaa tilmaamay in saliidda kalluunka ka howlgasho inay dagaal adag la gasho ka hortagga cudurrada halista ah sida wadne-xannuunka, kansarka, curuuqyo Waxay ay dadka ka ilaalisaa isku buuqa amma cadhada badan: Saliida Kalluunka oo laga helo

maadada Omega-3 Fatty Acids, taasoo kordhisa maadada Serotonin oo maskaxda bina’aadamka ku keenta in ay degenaato markay gaadho, waxaannu noqdaa qofkay maadadan ku badan tahay mid dhinaca fiican ka fikira oo farxad badan, noloshiisuna aad u degan tahay mar kasta.

Waxay hagaajisaa caafimaadka maskaxda: Maadada DHA ayaa door muhiim ah ka ciyaarta caafimaadka maskaxda. DHA hooyada ayaa u gudbisaa ilmaheeda aan weli dhalan. Daraasado la

sameeyay ayaa muujiyay in farxqi weyn u dhexeeyo ilma ay dhalaan hooyooyinka isticmaala saliida Kalluunka iyo kuwa aan isticmaalin. Hooyooyinka isticmaala Saliida kalluunka ay la sheegay aalaaba inay dhalaan ilmo firfircoon oo maskax badan.

Waxay hoos u dhigtaa caalamadaha gabowga: Daraasad ay samaysay Jaamacada University of California, San Francisco ayaa lagu sheegay in saliida kalluunku maqaarka jirka ka dhifaacdo gabowga.

Waxay sahashaa dhimista cayilka: Cilmi baadhis ay samaysay jaamacada University of South Australia aya lagu ogaaday in hadii qofku uu badsado saliida kalluunka isla markaana jimicsi ku daro ay kordhayso fursadiisa ah inuu cayilka iska yareeyo.

Leave a Reply