Urur-siyaasadeedka Waaberi oo Muddeeyay Shirweynihiisa

0
328

Hargeysa-(Dawan):- Urur siyaasiadeedka Waaberi,ayaa muddeeyay shirweynihiisa isla markaana magacaabay gudida qaban qaabada Shirweynaha.

Hogaanka sare ee urur siyaasadeedka Waaberi ayaa shaaciyey Guddiga Qabanqaabada iyo wakhtiga uu qabsoomayo Shirweynaha urur-siyaasadeedka Waaberi oo loo asteeyey horraanta bisha September 2022.

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee urur siyaasadeedka Waaberi Salma Abdirahman Sheekh Mohamed (Walaaleeye), ayaa lagu sheegay in shirkii ugu horreeyay ee ay yeesheen Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Waaberi loogu doortay Mahad Ismaciil Cali Abokor in uu noqdo Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada, halka Kuxigeen loogu doortay Sucaad Xuseen Cismaan,  Xoghayaha Guddida loo doortay Cabdishakuur Cali Xuseen.

Gudoomiyaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Waaberi, Mahad Ismaaciil , ayaa kulankii lagu doortay ku shaaciyey in Shirweynaha  Urur Siyaasadeedka Waaberi uu ka qabsoomi doono caasimada Somaliland  ee Hargeysa, maalmaha Isniinta iyo Salaasada ee taariikhdu tahay 12ka iyo 13ka bisha September 2022.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waaberi Mudane. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa qoraal uu soo saaray Isniintii ku magacaabay 7 xubnood oo noqon doona guddiga qabanqaabada shirweynaha koowaad ee urur siyaasadeedka Waaberi.

Todobada xubnood ee Gudoomiye Ataash magacaabay ayaa kala ah;

  1. Cabdi Kheyre Dirir
  2. Cali Yusuf Xasan
  3. Mahad Ismaaciil Cali Abokor
  4. Cabdishakuur Cali Xuseen
  5. Sucaad Xuseen Cismaan
  6. Ayaan Cali Maxamed
  7. Maxamed Faarax Miigane

Talaabadan ayaa ka dhigaysa Urur siyaasadeedka Waaberi kii ugu horeeyey ee la shaaciyo wakhtiga qabsoomida shirweynahiisa koowaad, isla markaana mar kale ka dhigaysa urur marwalba kaalinta koowaad noqda buuxinta shuruudaha Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland u asteeyaan ururada cusub.

 

 

Leave a Reply