Taliyaha Ciidanka Asluubta oo si Adag uga Hadlay War Been Abuur ah oo laga Faafiyay Jeelka Baki

0
353

Waa dambi in  ay dhacdo in maxbuus dawo la’aan u dhinto mana jirto.”

“Annaga maxaabiistu way noo siman yihiin dawladduna shaambad qaar nooguma dhufato.”

 

Hargeysa(Dawan):- Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf,ayaa si adag u beeniyay in ay dhacday in maxaabiis dawo loo diiday iyo in xabsiyda dalka maxaabiista ku jirta loo diido in la booqdo ama dawooyinka loo keeno laga hor istaago.

Waxaanu taa bedelkeeda iftiimiyay in caafimaadka maxaabiista in ay si dhaw ula socdaan isla markaana  ay dawada iyagu ka bixiyaan oo ay siiyaan gacan caafimaad oo kasta oo ay maxaabiistu u baahdaan illaa baadhitaanada kala duwan ee qaarkood qaaliga yihiinn ay ka bixiyaan.

 

sheegay in aanay waxba ka jirin war laga sheegay

waxaanu si gaar ah jawaab adag uga bixiyay qoraal uu sheegay in uu been abuur iyo waxba kama jiraan yahay oo laga qoray Jeelka Baki.

Waxaanu yidhi taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland sarreeye Guuto Axmed Cawaali Yuusuf(Libaax) oo arrimahaa ka hadlayaa. “manta(shalay) waxaa dhacday in nin la yidhaahdo Yaasiin Axmed Yaasiin jeelka Baki dad baa ku xidhan ciidanka asluubtu dawada ayay u diidaan ay dadkoodu u keenaan,toloow annagu ma giriig baanu haynaa miyaanay dadku reer Somaliland ahayn? Dawada annaga ayaa siina dhakhtarada annaga ayaa geyna maxaabiista bukta iskaan Ayaan ka bixinaa waana isugu kaaya mid maxaabiistu,nin berry halagu doorto leh ayaa u ooyaya maxbuus aanu war u haynin halka uu ku xidhan yahay waxna aanu u tarin soona eegin. Wuxuu yidhi nin baa meesha ku dhintay oo dhakhtar la,aan ugu dhintay jeelka,waxaan leeyay waa dambi ma dhacayso manay dhicin annaga ayaanay dambi nagu tahay haddii ay dhacdo,laakiin waa waxba kama jiraan.”

Taliye Libaax oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi. “ninkaasi wuxuu jeelka ka qoray annagoo aan ku gefin waxna aan ka sheegin ayaanu sharciga ku kala baxaynaa oo noo dhexeeya in uu yidhaahdo qof dhintay ayay iska aasteen oon sharci ahayn ka aqbali mayno umana dul qaadanayno wax aan jirin in ciidanka asluubta iyo xabsiyada laga sheego.

Annagu maxaabiis ayaanu haynaa waana isugu kaaya mid maxaabiistu dawladduna shaambad nooguma dhufato oo nama timaadhdo kaasi waa sidaa,waxaa keliya ee na quseeyaa waa Maxbuus intaa ku xukuman,waa maxbuus rummaan ah laakiin waxaa uu ka sheekaynayo iyo dawo ayaa loo diiday iyo dad bay iska aasteen isaga iyo annagu sharciga ayaa ku kala baxaynaa kagamana hadhayno.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay shaqada wasaaradda Caddaaladda oo uu sheegay in ay tahay wasaarad ay shaqo badani taallo isla markaana u adeegta dad jilicsan waxaanu sidaa ka sheegay taliye Libaax munaasidad ay shalay xilka kula kala wareegayeen Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda caddaalada iyo agaasimaha cusub.

 

 

Leave a Reply