Wasiirka Qorshaynta oo Furay Shirka Gudida Farsamo ee Kobcinta Dhaqaalaha

0
252

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Axmed Aadan Buuxane ayaa si rasmi ah u furay  shirka gudida farsamo ee kobcinta dhaqaalaha Somaliland oo ah mashruuc ay midawga Yurub ka taageerayaan Somaliland.

Wasiir Buuxane ayaa sheegay in mashruucaasi uu suura gelinayo in deegaan kasta wax laga qabto isla markaana la wada gaadhsiiyo caafimaadka waxbarashada iyo in la kobciyo waxsoosaarka bulshada waxa ay soo saaraan na ay u helaan suuq geyn fiican.

Waxaanu xusay in wax la qaadan kari waayo ay tahay in mashruuc la iinagu caawiyay oo lacag badan lagu bixiyay in laga midho dhalin kari waayo.

Wasiirka oo ka hadlayay mashruucaas iyo waxtarkiisa waxaa uu yidhi. “waa mashruuc nolosheena taabanaya isla markaana rejo wayn laga qabo in uu wax wayn inna tari doono,mashaariicda noocaas ahna bulshadeenu baahi wayn ayay u qabtaa waliba marxaladdan adag ee ay innagu soo noq noqdeen abaaruhu.

Markaa mashruucani wuxuu inoo suura gelinayaa in dadkeenu salka dhulka la helaan oo ay degaan marka ay deegaanka ay joogaan ay ka helaan waxbarashadii caafimaadkii isla markaana wixii ay soo saarteen ay dalkana ku iibin karaan suuqyada jaarkana ay geyn karaan.”

Wasiirka oo la dardaarmay ka soo qayb galeyaasha fulinaya mashruuca,ayaa yidhi. Mashruuca intiinan I hor fadhida ayaa fulinaysa waxaan idinku dardaarayaa in mashruuca dalka oo dhan si caddaalad ah oo sinnaan ah oo hufan in loogu qaybiyo Somaliland isla markaana uu noqdo mid midho dhal ah oo aan afka uun laga odhan waxaanan idiin sheegayaa in aanaan halkaa kaga hadhayn ee la isku daba gelayo. Ugu dambayn waxaan u mahad naqayaa midawga Yurub oo mashruucan Somaliland ku taageeray.”

 

Waxaa kale oo isna  halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Axmedyaasiin Muxumed Xasan oo iftiimiyay tirada mashaariicdaas iyo muhiimadda ay horumarka bulshada u leeyihiin.

Mashruucan oo diiradda saaraya  horumarinta xoolaha kalluumaysiga, kaabayaasha dhaqaalaha, dhallinyarada iyo dadka nugul ayay ka soo qayb galeen wasaaradaha fulinaya mashruuca iyo wakiillo ka socday Midawga Yurub.

 

Leave a Reply