Xukuumadda oo Qaaday Tallaabo lagu Badbaadiyey Kumannaan Neef oo ka Dhoofayey Dekedda Berbera

0
319

Berbera(Dawan)-Wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaddiday miisaanka rarka Markab Xoolo dibada loo dhoofinayo ka qaaday Dekedda Berbera maalintii shalay, kaddib markii khalad ku yimi qorshaha loo raray, taasina keentay dheeli-tir la’aan awooddeed,sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaraddaasi u joogga gobolka Saaxil iyo khubarada dhoofka Xooluhu.

Markabkaas oo ah nooca Baddeecaha ganacsiga qaada, ayaa lagu raray xool isugu jira Geel iyo Lo’ oo ka yar tiradii loogu talo galay inuu qaado, waxaana la saaray xoolo isu geyntoodu tahay kun iyo todobo boqol iyo labaatan neef oo kala ah siddeed boqol iyo lix iyo labaatan Awr (826 Awr) iyo siddeed boqol iyo lix iyo sagaashan Dibi (896 dibi).

Markabka ayaa rarkiisu qaatay wakhti dheeraad ah oo illaa saddex habeen ah cillada ku timi ee dhinaca nidaamka iyo duruufo dhanka cimilada ah oo kulmay dartood, waxaanay wakiilka shirkadda Markab leh iyo saraakiisha Wasaaradda xannaanada Xooluhu cadeeyeen in iyadoo la eeggayo badqabka hantida qiimaheedu sareeyo ee la saaray, sumcadda Dekedda iyo masuuliyiidda qorshaha rarista maraakiibta ay door-bideen inuu laba jeer xoolahaasi kala qaado, isla markaana aad loo dhimo xajmiga uu hadda qaaday, maadaama uu khalad ku yimi qorshihii lagu bilaabay rarkan.

Dr. Dawlad Maxamed Faarax oo ah Dhakhtarka Xannaanada xoolaha ee Dekedda Berbera oo arrinta markabkan ka hadlayey ayaa sheegay “ Markabkan waxaanu ka joojinay tiradii xoolaha ee uu hore Dekedda Berbera uga qaaday, sababtoo ah Taangiyada Biyaha Markabka oo aan isu dheelitirnayn iyo nidaamkii habka rarka oo khaldamay ayaa sababay”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Markabkan oo hore Dekeddan Berbera uga qaaday saddex kun oo Lo’ Dibi ah iyo laba kun iyo saddex boqol oo Geel ah, Xajmigaasoo ah inta uu qaadi karo, ayaa iminka waxa saaran siddeed boqol iyo lix iyo labaatan Awr (826 Awr) iyo siddeed boqol iyo lix iyo sagaashan Dibi (896 dibi), waxaana banaan labada dabaq ee u sareeya. Rarka Markabku inuu socdo saddex habeen waxa keenay, habeenkii u horeeyey waxba lama saarin, habeenkii labaadna Roob ayaa yimi

Dr. Cabdikariin Ciise Cawaale Isuduwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha gobolka Saaxil, ayaa dhinaciisa sheegay in dhoofka xooluhu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalkeena,haddii khasaare ku yimaado tiro intaasi le’eeg oo dhoof u socdayna dhiig-bax ay ku tahay qaranka, sidaas darteed wasaarad ahaan ay go’aansadeen in la qaado talaabada lagu dhimay saddex meeloodoow laba meelood Rarkii uu qaadi lahaa Markabkaasi.

Isuduwaha ayaa ka digay in arrintan si khaldan loo fasiro ama lagu dacaayadeeyo Dekedda Berbera iyo adeegyada illaha halbowlaha qaranka u ah “marka ugu horaysay waxa masuuliyad naga saarantahay in aan sugno, nabad-gelyada rarka xoolaha, maraakiibta iyo inay caafimaad qab ku gaadhaan xooluhu halkii loogu talogalay ee ay u dhoofayeen, hababkan iminka la isticmaalo oo khalad ku yimi qorshihii rarka, ayaa sababtay in go’aankan la qaato. Markii aanu tashanay waxa noo soo baxday Markabkaasi khatarbuu gelayaa haddii intii loogu talo galay la saaro. Wasaaradda xannaanada xooluhu waa masuuliyaddeeda inay sugto nabad-gelyadda xoolaha ka dhoofaya dekedda” ayuu yidhi isuduhu isagoo cadeeyey in go’aan wasaaraddeed lagu gaadhay dhimista miisaanka rarka Markabka.

Wakiilka Markabkan xoolaha lagu qaadayey, ayaa soo dhaweeyey go’aanka dawladdu ku xaddiday rarka Xoolahaasi.

Leave a Reply