Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda oo xilka la wareegay

0
368

Hargeysa(Dawan)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda 𝑴u𝒅ane. 𝑰𝒔𝒎𝒂aci𝒊𝒍 𝑺𝒂𝒍𝒆𝒆𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑴axamed, ayaa xilkii kala wareegay agaasimihii hore oo loo bedelay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Axmed Xasan Aw Aadan, munaasibad ay ka soo qaybgaleen xubno kamida golaha Wasiirrada, shaqaalaha wasaaraddaasi, madaxda ciidamada qaar kamida iyo marti-sharaf kale oo lagu qabtay xarunta wasaaradda..

Wasiirrada Wasaaraddaha, xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Mudane Maxamed Xaaji Aadan, shaqada iyo arrimaha bulshada  Mudane. Mustafe Maxamuud Godane iyo masuuliyiin kale oo madasha xil-wareejinta ka hadlay, ayaa agaasimaha cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay inuu shaqada loo igmaday dardar geliyo, isla markaana uu karti, dedaal iyo juhdi badan geliyo si isbedel iyo horumar lagu majiirtaa ugu hirgalo.

Masuuliyiinta ayaa madaxda sare, maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda ku booriyey inay agaasimaha cusub u noqdaan hageyaal iyo tilmaameyaal aan waxba ka hagran inta uu nidaamka la qabsanayo, isla markaana ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqaynayeen agaasimaha hore iyo si ka sii wanaagsan.

Agaasimihii hore ee wasaaradda shaqo-gelinta loo bedelay oo munaasibada hadal dheer ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayey, waxaanu u mahad-naqay shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda ee ay wada shaqaynayeen.

Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay oo hadal kooban isaguna halkaasi ka jeediyey, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada masuuliyadda loo igmaday, waxaanu alle ka baryey inuu ku asturo, isagoo ku nuux-nuuxsaday inuu ku shaqayn doono daacadnimo iyo karti hagrasho la’aan ah.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Md. Saleeban Warsame Guuleed oo si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey labada agaasime guud, ayaa ku amaannay agaasimihii hore shaqo wanaag, hawlkarnimo iyo xilkasnimo, isagoo u rajeeyey inuu wax badan ka bedeli doono wasaaradda kale ee loo wareejiyey.

Wasiir Saleeban ayaa sidoo kale Agaasimaha cusub ku soo dhaweeyey hagida hawlaha wasaaradda,waxaanu ku adkeeyey shaqaalaha kala duwan ee wasaaraddu inay si wanaagsan oo hufnaan iyo daacadnimo ah ula shaqeeyaan.

Xubno ku hadlayey afka hay’addaha la shaqeeya wasaaradda, shaqaalaha iyo marti-sharaf kale oo halkaa ka hadlay ayaa agaasimaha cusub ugu duceeyey in alle xilka u fududeeyo.

 

Leave a Reply