Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsmada Gacanta

0
262

Adis-ababa (Dawan):- Wefti ka socda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, oo maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay dalka Itoobiya, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda sar sare ee jaamacada  farsamada  gacanta  dalka Itoobiya.

Madaxda    Somaliland iyo masuuliyiinta sar sare ee Jaamacadda farsamada gacanta   ee General Wingate Polly Technical Institute, oo ku taalla magaalada caasimada ah ee Adis-ababa.ayaa isla gartay iskuna raacay in ay iska kaashadaan dhanka waxbarashada farsamada gacanta

Wasiir ku xigeenka wasaaradda   waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Cabdixakiin Siciid Bustaale, oo hoggaaminayay weftiga wasaaradda ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay jaamacaddaasi ka kooban tahay iyo adeegyada dhanka farsamada gacanta ee ay qabtaan.

 

Adeegyada kala duwan ee farsmada gacanta ee Jaamacadaasi ay bixiso ayaa kala ah mechanical engineering, auto mechanical department construction department information technology study agro farming road construction biochedical technology iyo textile and garment making technology.

Gaba’gabadii madaxda  Jaamacada farsamada gacanta ee dalka Itoobiya ayaa masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ee booqashada ugu tegay u ballan qaaday in ay siin doonaan deeqo waxbarasho oo dhanka farsamada gacanta ah, waxaanay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga horumarinta dhanka xirfadaha ee labada dal.

 

Leave a Reply