Xukuumadda oo ka Hadashay Dil ka Dhacay Sanaag iyo Muddaharaad ka Dhashay Bulshadana Farriin u Dirtay

0
210

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mudaharaad shalay ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo salka ku hayay dil dorraad ka dhacay gobolka Sanaag.

Bannaan-baxaasi oo ay dhigayeen dadweyne ka cadhooday askari ka tirsan ilaaladda Badhasaabka Sanaag oo Salaasadii qof ku dilay degaanka Ceeryaan ee gobolka Sanaag.

Wasiirrada wasaarradaha Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, iyo caafimaadka Xasan Maxamed Gaafaadhi, oo  warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa ka hadlay mudaharaadkii shalay iyo sidoo kale dilka dorraad.

Waxaanay ugu horrayn ka tacsiyadeeyeen eheladda, iyo qarraabadda qofkii uu dilay askariga ka tirsanaa ilaaladda guddoomiyaha gobolka  Sanaag, iyadoo labadda wasiir ay ugu baaqeen odayaasha, iyo waxgaradka gobolka Sanaag in ay dejinta xaaladda ka shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo dhacdadii degaanka Ceeryaan, iyo mudaharaadkii Ceerigaabo ka hadlayay, waxa uu yidhi “Markay wax dhacaan, waxaa lagama maar-maan ah, in xaaladaha na la dejiyo, si deganaanshiyo leh na wax loo maamulo. Waxaan ka codsanayaa waayeelka, haweenka, iyo dhallinyaradda inta ba, in xaalada na la dejiyo, deganaanshaha na la ilaaliyo, oo aanay dib u dhicin, wixii maanta (shalay) magaaladda Ceerigaabo ka dhacay.

Waxaana loo baahan yahay in lala shaqeeyo, guddiga nabad-geliyadda ee gobolka Sanaag, oo arrintan illaa manta(shalay) ku mashquulsanaa, in si degan wixii talo iyo arrin ah ee maarayntoodda loo baahan yahay, in la sameeyo. Khasaare danbe na in aanu dhicin”.

“Dadweynaha iyo shicibka magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, inta ba waxaan ka codsanayaa in aan deganaanshaha gobolka la ruxin. Nabad-gelyadda in la ilaaliyo, sharciga in aan gacanta lagu qaadan, in waayeelku taliyo, waxgaradku taliyo, caqligu taliyo. Wixii arrin ahna laga wada tashado”ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa isna ugu baaqay dadweynaha gobolka Sanaag in ay xaaladda dejiyaan, isla markaana dhibkii shalay ka dhacay Ceerigaabo aanu mar kale dib u soo noqon.

“Waxaynu u baahan nahay in aynu hawsha deganaansho ku galno, si fiican na loo baadho. Inta baadhistu ay socota na dadweynuhu in ay is dejiyaan. Waxaynu u baahan nahay in aynu nabad-gelyadda ilaashano. Dhibaatadii dhacday na, in dhibaato kale ku korodho, wax khayr ah oo ku jiraa, ma jiraan” ayuu yidhi wasiir Xasan Gaafaadhi

 

Leave a Reply