Guddoomiyaha gobolka Sool oo Xarun Caafimaad ka Dhagax Dhiggay Degaanka Geed Dheer

0
386

Sool (Dawan):- Guddoomiyaha  gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa degaanka Geed Dheer oo ka tirsan gobolka Sool ka dhagax dhigay xarun caafimaad ama MCH oo loogu talo galay dawaynta hooyadda iyo dhallaanka.

Xarunta caafimaad ee laga dhagax dhigay degaanka Geed Dheer, ayay bulshadu baahi weyn u qabeen helitaankeedda, iyadoo la qorsheeyay in si dhakhso ah loo bilaabo dhismaheedda.

Dhagax dhigaasi waxaa Guddoomiyaha Sool ku wehelinayay maayar ku-xigeenka magaaladda Laascaanood Axmed Kawte, xubno ka tirsan golaha degaanka Laascaanood, iyo maayarka degmadda Buuhoodle, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay guddoomiyaha  Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo wefti uu hogaaminayaa ay maalmahan danbe kormeer shaqo ku marayeen degaamo ka tirsan dhulka dhinaca Galbeed ee gobolka Sool.

Kormeerkaasi oo uu badhasaabku ugu kuur gelayay xaaladda nololeed ee deegaamadaasi, iyo baahiyaha ay bulshadda deegaamadaasi qabaan, safarkaasi oo uu guddoomiyuhu ku soo maray meelo kala duwan.

Degaamadda badhasaabka iyo weftigiisu ay soo kormeereen waxaa ka mid ahaa Bali-Hadhac, Geed Dheer, iyo degaamadda fog-fog ee galbeedka gobolka Sool.

Qaybaha kala duwan ee bulshadda degaamadda Geed Dheer, iyo Bali-hadhac, ayaa badhasaabka iyo weftigiisa si ballaadhan ugu soo dhaweeyay markii ay kormeerka shaqo ku gaadheen.

Guddoomiyaha Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayay badhasaabku.

Waxaanu sheegay in u jeedadda safarkoodu uu yahay inay soo arkaan soona ogaadaan xaaladaha guud ee bulshadda degaamadaasi, iyo marti qaadka ay ka heleen beel ka mid ah beelaha degga halkaasi.

“Waxaanu u soo kicitinay, ama u soo baxnay in aanu soo aragno, anagoo marti qaad ka helnay beel ka mid ah beelaha halkan degga, ee Geed Dheer, iyo Bali-hadhac, sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen, aad iyo aad baan idiinkaga mahad naqayaa. Soo dhawayntaasi waxaa qayb ka ahayd maayarka degmadda Buuhoodle” ayuu yidhi badhasaabka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.

Waxa kaloo uu  sheegay in degaamadaasi ay ka taagan tahay xaalad abaareed, isla markaana ay hadda ka bilaabmeen hawlaha biyo dhaanka iyo qaybinta raashin caawimo ah.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Arbacadda (shalay) waxaa la idiin soo diri doonaa raashin, loogu talo galay 200, oo qoys ah.

Biyo dhaankii wuu idin soo gaadhay, oo wuu socdaa. Aad ayaana la idiinku soo deg-degay, oo degaankan Geed Dheer, iyo Boocame, iyo Xudun ba, wuu ka bilaabmay biyo dhaanku”.

Geesta kale Odayaasha, iyo waxgaradka degaamadaasi ayaa sheegay in ay ka madax dhaqameed ahaan si weyn uga shaqeeyaan ilaalinta nabad-geliyadda, isla markaana sida ay ula dagaalamaan waxyaabaha amaan darro keeni karra.

 

 

Leave a Reply