Dawladda Hoose ee Hargeysa oo 700 oo-kun oo Dollar ku Iibsatay Warshad Nooceedu Somaliland ku cusub yahay

0
347

 

Hargeysa (Dawan):- Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa lacag ku dhaw hal milyen oo dollar ku iibsatay  warshad sameyn doonta shubka iyo gaadiid loogu talagalay in lagu dhiso jidadka caasimada Hargeysa.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in lacagta ay warshadan iyo qalabkan ku iibsadeen ay tahay cashuurtii laga qaaday muwaadiniinta.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay baahi weyn u qabeen ka dawlad hoose ahaan warshadan iyo qalabkan ay iibsadeen.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in hadda ay heleen warshadii shubka sameynaysay, gaadhigii qaadayay iyo wiishkii shubayay, isla markaana shaqadii dawladda hoose ay tahay wax wanaaajinaya, oo tayo u yeelaya.

Waxaanu yidhi.”Waxa ILLAAHEY mahadii ah  in ay dawladda hoose ee Hargeysa maanta,(shalay) ay awooday in qalabkan qaaliga ah ee qiimaha weyn jooga ee lagu qiimeeyay lacag gaadhaysa ilaa laba milyen oo dollar.

In Kanbanigii markii uu shaqadii joojiyay isaguna alaabta lahaa, ee ay go’aansadeen in ay iibiyaan in dawladda hoose noqotay dadkii danaynayay in ay qalabkan magaalada u iibiyaan.

Qalabkan lacagtii uu joogay nalagama siin, hadalkan in aan caddeeyo ayaan doonayaa labadii malyan ee uu joogay maanaan siisan  balse waxa aanu siisanay lacag toddoba boqol oo kun oo dollar ah.

Qalabkan baahi weyn ayay dawladda hoose u qabtay, taasi oo ah in magaaladeenu buura ku xeeran yihiin, isla markaana ay biyo mareeno badan leedahay, dhawr meelood ayay biyuhu ka baxayaan, ama dhiniciisa ayay biyuhu marayaan oo wadada ayaa buur ka soo daadageysa, marka laamida la shubayo iyo shubka la shubayo ayaa mararka qaar isku qiimo tegaya, marka qalabyo kale ayaanu isticmaali jirnay, marka warshadii shubka shubeysay, baabuurkii qaadayay iyo wiishkii shubayay intaba in aanu hellaa waxa ay tahay shaqadii dawladda hoose wax wanaaajinaya, oo tayo u yeelaya, anagana adeegi ay ahayd in aanu qabano noo sahlaya in aanu qabano,”

 

 

 

Leave a Reply